18th April 2024  admin  Category :

Mowjado Siyaasadeed oo ku soo fool leh Dowladda Federalka (Fagaaraha Kismaayo iyo loolanka 2021)

Waxaa xiligan dalka uu wajahayaa siyaasado kala dan ahaa oo isbaheystay, kuwaasoo wada abaabul xoog leh, iyadoo aan kala ra’yi la aheyn.

Madallada ay ku kulmaan madaxda talada heysa, kuwii horay xilalka u soo qabtay iyo mucaaradka dowladda ayaa dalka ka dhici jiray khudbado iyo kulamo kooban kadibna waa lagu kala tagi jiray balse hadda waxaa dhacaya madal u gaar ah dhamaan kooxaha siyaasad ahaan ka soo horjeeda dowladda Federalka kuwaa oo isbiirsanaya dibna isu abaabulaya iyagoo hal fikrad kawada qaba dowladda Federalka.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland waxey marti gelisay oo ku sugan Labo madaxweyne oo dalka soo hoggaamiyay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, madaxweynaha Puntland Saciid Dani, madaxweynaha martida loo yahay Axmad Madoobe iyo Labo rugcadaa oo siyaasadda dib ugu soo laabtay Shariif Xasan oo ahaa madaxweynahii Koofur Galbeed iyo Cabdikariim Guuleed oo isna ahaa madaxweynihii horeGalmudug, waxaase madasha ka marneyn hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo ah siyaasiga ugu weyn ee mucaaradka ku ahaa dowladda, iyadoo labo sano ka hor la weerar dhiig ku daatay lagu qaaday gurigiisa, xabsigana loo taxaabay.

Ujeedka ugu weyn ee kulmisay mas’uuliyiintan ma ahan ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland oo kaliya ee waa ka tashiga siyaasadda dowladda Federalka oo aad ay u saluugsan yihiin islamarkana cunaha lagu qabtay, sida ay cadeeyeen qaar kamid ah.

Culeeska ugu weyn ee dowladda Federalka ayaa noqonaya isbadal doon cusub oo suuragal ay tahay in lagu dhawaaqo, mana noqon doono kaliya mid sameysma oo lagu kala tago balse wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa dowladda dhexe oo siyaasadeeda gudaha soo xirmi doonto.

Waxyaabaha muhiimadda gaarka ah leh waxaa ka mid ah in laga hortago muddo kororsi ay sameeyaan madaxda hadda talada heysa, taasoo wixii laga qaadan doono la isku waafaqayo ka hor madasha Kismaayo inta aysan dhamaan, sida ay horay u sheegeen madaxdii hore.

Khilaaf iyo hardan siyaasadeed mid qarsoon iyo mid shaac baxsan oo dowladda Federalka kala dhaxeeya dhinacyada ka soo horjeeda ayaa ugu dambeyn waxa uu sababay in uu sameyso xisbi isu tagay oo mucaaradka oo dhan ku mideysan yihiin, iyadoo ay u dheer tahay kulamada Kismaayo iyo waxa ka soo bixi doono.

Waxyaabaha laga filayo waxaa ka mid ah Bayaan dheer oo ka soo bixi doono Shirka wadatashiga ee dhici doona caleema saarka kaddib, kaasoo ku saabsan Siyaasadda dowladda, iyadoo Beesha Caalamka loo sheegi doono in dowladaan ay fashilmatay isla markana ku guul dareysatay Nabadgalyada dalka, siyaasadda arrimaha Gudaha, ku xad-gudubka Dastuurka iyo dhameystir la’aantiisa, dagaalka Alshabaab, qaabeynta doorashada 2021, xiriirka maamul Goboleedyada, maareynta mashaariicda horumarineed, kor u qaadidda dakhliga dalka, iyo cunaqabateynta shacabka.

Fashil siyaasadeed kii ugu weynaa ayuu ku noqonayaa dowladda dhexe marka madaxdii hore ee dalka, madax maamul goboleedyada, siyaasiyiin iyo Xildhibaano saameyn weyn ku leh bulshada hal meel isugu soo wada jeestaan, kana soo saaraan bayaan wadajir ah oo xaalada siyaasadeed ee dalka ku saabsan.

Culeysyada ku soo fool leh dowladda Soomaaliya ayaa noqon doonin xitaa mid ku xalisma is bedel waa weyn oo lagu sameeyo Xukuumadda, si loo helo siyaasad loo dhan yahay oo Mucaaradka ka muuqdaan, balse waxaa muhiimad gaar ah noqon doona sida dowladda uga jawaabto dhiilada siyaasadeed ee ka imaan doonta Kismaayo, isla markaana sameyso tanaasul, lana timaado wada hadal ay ku qanciso dhinacyada ka soo horjeeda.

W/Q: Abdiaziz Loyal

Abdiazizh99@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*