26th April 2024  admin  Category :

Sareeye Guuto Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhwaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo soo noqday wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadii Dimoqraadiga ee Soomaaliya, ayaa kaga dhawaaqay magaalada Bosaso  in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland  doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka.

Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay ammaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.

Musharaxu waxa sidoo  kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la’aan baahsan.

Morgan  wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandiqadda Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*