17th October 2024  admin  Category :

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso.

Ajandaha kulanka ayuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey in uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee aan ku sugneyn magaalada Muqdisho faray in ugu dambeyn kusoo galaan Muqdisho maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-keeda 2018, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*