26th April 2024  admin  Category :

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Umadda Soomaaliyeed, maanta waxa lagu qabtay doorasho lagu sheegay in lagu dooranayo Xildhibaanada “Gobolada Waqooyi”, oo ah eray marin habaabin ah, hase ahaatee ay fiicnayd in la yiraahdo Xildhibaanada beelaha Dirta Waqooyi

Doorashadan ayaa waxa lagu qabtay goobta ugu amni badan Sooomaaliya, ama Afrikaba, waa khadka cagaaran ee magaalada Muqdisho ka goonida ah, waa xerada Afisyooni ee agagaarka Xalane oo ah Xarun ay ajaaniibtu kaga dhuuntaan Soomaalida. Waa meel ay ilaaliyaan inta badan Ciidamaddii Soomaaliya loo qoray, iyo Ciidamaddii ka yimid Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilalinta, waa meel ay joogaan Askar badan oo ka socota dalalka Soomaaliya dant ka leh sida Carabaha, Yurubiyanka iyo Maraykanka, waa meel ay ajaaniibta dalka yimaadaan ay isku aaminaan oo ka duwan Soomaali inteeda kale

Goobtii sidaa nabadda u ahayd, oo Diyaaradda aan duuliyaha lahayn xitaa hawada sare au ka ilaaliso Shimiraha xeebta Muqdisho duulaya inay soo ag maraan ayaa maanta markii doorashada Dirta Waqooyi la qabanayey waxa lagu arkay waxaan caalamka horay uga dhicin oo xitaa haddii uu doorasho qaban lahaa Kaligii taliyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-un uu ka xishoon lahaa

Dadkii ka soo jeeda Dirta Waqooyi oo u codaynayey Xildhibaanada berito soo dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya ee soo socda iyo Gudoomiyaasha Baarlamaanka ayaa markii ay codka dhiibanayeen qariyey dhamaan muuqaalkooda, iyaga oo Macawiso, cimaamado, iyo Maska afka lagu xiro wejiga iyo madax ku soo xirtay.

Lixdan Sano ka hor, haddii Allah ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaake, dawladdii uu madaxda ka ahaa oo dhowr sano jirtay, awood badan lahayn uu yidhi isaga oo dadka ku dhiiri gelinaya Dimoqraadiyadda iyo doorashada “Gacana qori ku qaata gacana ku codeeya”, maanta madaxdeenii waxay ina gaarsiiyeen foolxumaddii aad maanta ku aragteen Afisyooni.

Hadaba Isaaq maanta Afasyooni, Muqdisho joogaa muxuu ka baqayaa?

Xaqiiqdii beesha Isaaq, intooda badani ma rabaan Midnimo Soomaliyeed, demqoraadiyad, maamul wanaag, amni iyo kala danbayn ay helaan Bulshada Koonfurta Soomaaliya . Haddii ay taasi dhacdona waxay u arkaan inaanay suurtal gal ahayn Dawlad beesha Isaaq ay gaar u leeyihiin oo la yiraahdo Isaaqland oo Qaramada midoobey aqoonsan yihiin

Sidaas awgeed qof kasta oo ka soo jeeda beesha Isaaq oo ay u arkaan inuu ka shaqaynayo xasilinta Soomaaliya, xitaa hadduna daacad ka ahayn oo u soo shaqo tegay Koonfurta Soomaaliya, sida qaar badan ooaan daacad ahayn oo muddo Muqdisho joogay oo markii danbe laabtay sida Oomaar, Buubaa, Sifir, reer Caratan Qaalib ,Mustafe Qodax IWM iyaga waa u cadow kal kaal marka ay Muqdisho joogaan

Ugu danbayntii ceebta maanta dhacday oo bulshada Soomaaliyeed lagu marin habaabinayey ee lahaa waxa doorasho qabsanaya Gobolada Waqooyi, iyada oo xildhibaankii aqalka sare ee gobolka Sanaag ay dad aan la aqoon oo af duuban u codeeyeen qof aan beeshiisu degmo ku lahayn gobolka, waxay dhaawici doontaa doorashada Soo socota ee madaxweynaha iyo Gudoomiyaasha baarlamaanka in badan oo Soomaalida ka mid ahina ma ay aqoonsan doonaan nimanka afka duuban doorashaddii ay maanta codeeyeen

May be an image of 1 person, standing and text that says '00 QA ASHA A SA IL'
May be an image of 1 person and text

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*