11th October 2024 admin Category :
Doorashada baarlamaanka ayaa wajaheeysa khillaaf aad u weeyn oo ka dhashay sida loo soo xullayo xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub. Waxaa horey loo soo doortay guddiyada doorasho ee kala matalaya maamulada iyo dawladda federaalka, waxaase muuqaneeysa in guddiyadii doorashada laga kor tallaabsaday oo doorashadii ay wallaaqanayaan maamul goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha.
Guddiyada doorashada ayaa laga soo maray dhisitaankooda hawlo aad u badan. Gaar ahaana, inaan lagu soo dari karin guddiyada doorashada dad u shaqeeya dawladda ama maamul goboleedyada si loogu kalsoonaado dhexdhexaadnimadooda, waxaana caqabadihii taagnaa markii danbe laga gaaray heshiis.
Hadaba, mar hadii la soo doortay guddiyo kala matalaya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada, waxeey aheed wixii ku saabsan arrimaha doorashooyinka in iyaga looga danbeeyo, balse waxaa muuqata in guddiyadii shaqadoodii ay la wareegeeyn maamul goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha.
Dhawaan ayeey aheed markii guddiga doorashada ay soo saareeyn qaabka loo qaban doono doorashada aqalka hoose iyo dadka ay tahay ineey wax soo doortaan kuwaas oo isugu jira odayaasha dhaqanka iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada. Hannaankaas ayaa ahaa mid inta badan dadka ay soo dhaweeyeen, balse waxaa wixii oo dhan afgembiyey maamul goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha.
Si kastaba ha ahaato, doorashada ayaa lagu qiyaasay ineey ku baxeeyso lacag dhan 32 milyan oo doolar, waxaana inta la ogyahay gacanta lagu hayaa 7 milyan oo doolar, waxaana dhiman 26 milyan. Hadaba, beesha caalamka oo lacagta doorashada laga sugayey ayaa diidan in ay bixiyaan lacag danbe maadaama doorashadii ay fillayeen aysan ka muuqan meesha, balse ay noqotay doorasho maamul goboleedyada madaxdooda ay soo xullanayaan. Maamul goboleedyada waxeey leeyihiin annaagaa soo xullaneeyna cida aan rabno, waana in musuqmaasuqeeyna naloogu daraa lacag.
Sanad kasta, marka la eego musuqmaasuqa adduunka ka jira oo dhan, Soomaaliya waxeey gashaa kaalinta koowaad, waxaana keenay musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya oo noqday kan ugu xun adduunka. Isku soo wadda duub, guddigii doorashada waa mid miis cidla ah looga tagay, hadii ay sii jiraana, waa kuwo u sii jiri doona qaab magac u yaal ah, doorashadana waxaa maamulan doona maamulada, waxaana ay mari doontaa wadadii la mariyey doorashadii aqalka sare.