26th July 2024  admin  Category :

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating oo run ka sheegay arimaha Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating oo wareysi siiyay qaar kamid ah saxaafada Soomaalida ayaa sheegay sababta Soomaalidu aysan ugu gacan banaanayn arimahooda.Wakiilka oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi sidan:-

“Soomaalidu kuligeed waxa ay igu yidhaahdaan waxaanu doonaynaa inaan arimahaanaga umadax banaanaano,xaqiiqdii hadii Somalia ay doonayso inay noqoto dal madaxbanaan waa inay la timaado dhaqaalaheeda.Caqabadaha ay wajahayso Somalia waxaa kamid ah sidii ay ku keeni lahayd lacagtii ay ku bixin lahayd mushaaraadka ciidanka,adeega dadweynaha iyo kaabayaasha dhaqaale,” ayuu yidhi wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeedhay Micheal Keating ayaa wuxuu jawaab uyahay dareenka hada jira ee lagu doortay madaxweyne Farmaajo ee ah caalamku faragelinta hanaga daayo iyo arimo lamid ah.

Fasiraada hadalka Micheal Keating waa hadii Somalia aysan dhaqaale ahaan isku filnayn suurtagal ma ah inay tiraahdo caalamku faragelinta hanaga daayo arintaas oo marka dhan laga fiiriyo gar noqon karta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*