26th July 2024  admin  Category :

Maxkamadda ICJ oo ku dhawaaqday waqtiga la qabanayo dhageysiga kiiska dacwadda badda

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya ay dhacayso 15 bishan aynu ku jirno ee March,

Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague  saacaddu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay aaladda muuqaal aragga uga qayb galayaan.

Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama muuqaal ayey uga qayb geli karaan sida lagu qeexay bayaan ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Diblomaasiyiinta, Wariyayaasha iyo Dadwaynaha waxay dhagaysiga Maxkamadda kala socon karaan Bogga Qaramadda Midoobay, kaasi oo si toos ah looga tebin doono dhageysiga dacwadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*