27th July 2024  admin  Category :

Maxammed Xasan Culusoow , oo ah wiil u dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo hore looga soo saaray waaran xadhig ah ayaa la sheegayaa in uu dib ugu laabtay Turkiga kaddib muddo uu baxsad ahaa.

Waxaa jira codsi xukun maxkameed oo gaarsiisan ilaa iyo lix sano oo horay looga gudbiyay wiilkaan.

Wiilka madaxweynaha ayaa la soo werinayaa in uu qirtay eedda ah ku dhufushada gaadhigiisa ee Emre Göcer oo uu ku dhintay shilkaas oo ka dhacay degmada Fatih ee Istanbul, taas oo sababtay in la soo saaro waaran ka soo baxay maxkamadda caddaaladda ee Istanbul ee Çağlayan.

Waxaa se la soo sheegayaa sida ay ku warraymayso BBC qaybteeda Turkiga in Meesha laga saaray go’aanka xadhiga isla mar ahaantaana dacwaddiisa la dhegaysan doono Salaasada soo aaddan oo bishu tahay 16 January

Sida ku cad eedaymaha uu diyaariyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul, November 30, 2023, wadada Kennedy gaar ahaan jihada Aksaray, gaadiidka uu watay Yunus Emre Göçer ayaa ku dhacay gaadhigii uu watay eedaysane Muhammed Hasan Şeyh Mahmud. Göçer, oo cusbitaalka la dhigay isagoo qaba dhaawacyo halis ah, kuwaas oo u dhintay 6-dii Disembar.

Dacwadda la soo oogay ayaa sheegaysa in tuhmanaha uu masuul ka yahay dhimashada Yunus Emre Göçer, sidaas daraadeedna lagu dalbnayo dacwadda xukun xabsi oo u dhaxeeya 2 ilaa iyo 6 sano oo ciqaab u ah dambiga “Sababay taxadar yaridu”.

Xaaska Yunus Emre Göçer ayaa sheegtay “in ay la laabatay dacwadii ay horay u gudbisay”.

Wasiirka cadaaladda ee Turkiga Yılmaz Tunç ayaa sheegay, “In iyada oo la tixraacyo warbixinta Baarista Casriga ah ee Caafimaadka in qaladka qaybta koobaad uu leeyahay wadaha gaariga shilka qaybta ka ahaa, halka qaybta xigtana uu leeyahay wadaha mootada.” Waxa kale oo intaas ku daray in gal-dacwadeed la buuxin doono iyada oo lagu saleynayo warbixintaas, dacwad oogayaashuna ayaa arrintaas ku shaqo yeelan doonaan.

.

Sidee wax u dhaceen?

Yunus Emre Göçer oo ah mootoole ayaa si daran ugu dhaawacmay shilka oo ka dhacay meesha looga dhamaado buundad Eurasia ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, balse kama uusan kabsan dhaawacaas oo ay dhaqaatiirtu isku dayeen inay la tacaalaan.

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter – waxay muujinayaan gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

Waxaa xayiraad safar oo caalami ah lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh, oo ah wiilka madaxweynaha Soomalaiya kaas oo ay dawladda Turkiga siidaysay kadib markii hakad oo kooban oo baaritaan ah lgau sameeyay.

Tuhmaaha oo hadal uu horay u sheegay lagu soo daray warbixinta ay soo saareen baarayaashu, ayaa sheegay in Yunus oo ah ninka dhintay uu qabtay bareega mootadiisa, kadibna uu midig u leexday isaga oo aan bixin wax seenyaalo ah, sidas daraadeedna uu isna bareega qabtay balse uu gaarigiisu joogsan waayay kadib uu ku dhacay mootada.

Sidoo kale intii uu socday baaritaanka kiiskaan, xafiiska dacwad oogaha guud ayaa sameeyay baaritaan lagu qaaday askartii booliska ahayd ee baaritaanka ku sameysay goobtii uu shilku ka dhacay, kuwaas oo keenay wabixin sheegaysa “in uuan qalad ka dhicin” darawalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*