26th April 2024  admin  Category :

Ina Maxamed Xasan Muuse maxaa looga doortay Mooryaanta Koonfurta Soomaaliya?

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Muuse, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waa siyaasiga ku metela beesha Warsangeli dawladda federaalka, waana beel ka mid ah beelihii wax ka dhistay maamulka Puntland .

Mar haddii beesha uu wasiirku ka soo jeedaa ay ka mid tahay beelahii Puntland wada samaystay , wasiirkuna waxay ahayd inuu noqdo oo loo aqoonsado inuu yahay Wasiir Puntlander ah, sida uu isagu hadda uu wasiir yahay aaminsan yahay inuu ka soo jeedo iyo markii hore uuna wasiirka ahaynba.

Socdaalkii ugu horeeyey ee wasiir Jamaal ku bixiyay gobollada Sool iyo Sanaag ayaa noqday markii ugu horaysay taariikhda tan iyo burburkii dawladdii dhexe in masuul heer wasiir ah oo ka socda dawladda Soomaaliya uu cagta saaro carrada Sool iyo Sanaag, oo maamulada hareeruhu ku shaabadeeyeen dhul laysku haysto ama lagu muran san yahay

Booqashada wasiir Jamaal waxay dhiig kar ku riday maamulada SNM iyo Puntland, maalintaas wasiirka SNM ee lagu magcaabo Sacad Cali Shire, isaga oo qaadan kari waayey in la dumiyey xeraddii ay dadka ku soo xeraysteen wuxuu yidhi ” socdaalka Jamaal waa daandaansi iyo xaalad abuur, wuxuuna ka digay in dagaal ka dhaco deegaamada uu Jamaal booqashada ku bixinaayo.

Colaadda Jamaal kuma koobnaan maamulka SNM ee waxa iyguna ku colaadiyey booqashadaas maamulka Puntland

Wasiir Jamaal dheg jalaq uma siin iyo bootada maamulada, ee waxa uu sii watay booqashaddii degaanada wuxuuna tegay Badhan iyo Dhahar

Maalintaa laga bilaabo ilaa maanta siyaasiyiinta Majeerteen iyo Isaaq waxay wasiir Jamaal kula jireen dagaal midaysan oo ay ku doonayeen in xilka ka qaadaan iyagoo ku bilaabay been abuur iyo dacaayado raqiis ah oo ay adeegsanayeen wax magarato macaan jecel ah. UJeedaduna waxay ahayd inay ka hor istaagaan inuu mar kale wasiir Jamaal booqasho ku tago goboladaas .

Maanta siyaasiyiintii Soomaaliyeed waxa lagu wada casumay Garowe, aan ka ahayn wasiir Jamaal, sababtuna waxay tahay waa nacaybkii maalintaa u qaadeen. Madaxweyne Deni iyo Caynte oo madax u ah h’ayadda Hertage, oo shirka Garowe hor boodaya labaduba horay waxay uga soo qabteen dawladda federaalka xilka uu maanta hayo wasiir Jamaal. Midkoodna ma iman gobolada Sool iyo Sanaag markii ay ahaayeen wasiiradda Qorshaynta.

Ugu danbayntii maalintii argagixisadu duqaysay Daarihii New york ee Maraykanka, shacabka Maraykanku waxay is waydiin su’aashan ” Maxay inoo neceb yihiin”. Maanta bulshada Maakhir waa inay is waydiiyan waa maxay sababta siyaasiyiinta Majeerteen u neceb yihiin siyasigii ay u dirsadeen dawlad dhexe ugana doorteen Mooryaanka Koonfurta Soomaliya

ALLSANAAG.COM

5 thoughts on “Maxay u neceb yihiin?

  1. Puntlander

    Allsanaag ma ini fargaajo ayaa idinku neefsaday. Jamaal wuxuu la midyahay wasiirada kale ee Puntland ka tegay una shaqo tegay Muqdisho loona adeegsaday burburinta iyo kala qaybinta Puntland si bareer ah. Puntland waxay leedahay cadowyo badan kan ugu horeeya ee khatar ugu badan ah waa ini fargaajo iyo kooxdiisa sidaa daraadeed ayay Puntland cadow uga dhigatay ini fargaajo kooxdiisa meeshay doonaan haka yimaadeen waana wax gar ah. Puntland caadifad qabiil iyo wasiir hebel kama shaqeeyo waxaana kaaga markhaati ah in wasiirkii arimaha dibada ee Cawad oo u dhashay Garowe lagu yiraahdo cag masoo dhigi karo taas ku quusta. Puntland waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulin in ini fargaajo iyo kooxdiisa laga takhaluso cid walba oo aragtidaa qabtaana waa la kaashaan cadowgaaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa. Cidwalba oo ini fargaajo ku feker ahi waa cadowga Puntland. NO QABIIL Warsangeli waa inay fahmaan sheekadu inaysan qabiil ahayn kana baxaan filrada hoosaysa. Niman ka Garowe isugu yimi waxaa isu keentay hal u jeedo oo keliya waana in ini fargaajo xididada loo siibo, wax kale kama dhexeeyaan sheekaduna ma joogto kanaa reer hebel ah

    Reply
  2. ma

    Majeerteen soo ma aha kuwa lacagta uu aruuriya jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo? Majeerteen soo ma aha kuwa ka dagaala buuraha Galgala.
    Waxaad naga rabtiin lama yaqaano.

    Reply
  3. Mohamed Noor

    Maakhiry
    Majeerteen iyo Isaaq dantooda bey ilaashanayaan hakula yaabin
    ee adiguna tasho oo garo dantaada. Kala saar walaalnimo iyo
    Maslaxadda jiritaankaaga.
    Mucjisada ugu weyn mucjisooyinka waa Qura’anka, markii ummaddii
    Muslinka ahayd ay ku dhaqmiweyday fiiri sida ay u liciifeen.
    Inaga ilaahay wuxuu ina dejiyay dul, Bad, Buur iyo Bannaan leh, Uma baahnin
    Cid kale. Intaa waxaa inoo dheer oo illahay inagu Sharfay Saldanada ugu
    Faca weyn arliga Somaliyeed, gaal iyo islaan xarunteeda baa loogu
    imanjiray ee cidna ma hoos tegi jirin. Inaga baa karaamadii ka qaadnay
    Oo garanweynay Magaca iyo sharafta dhaxalka loo helay ilaaliya.
    Horta waa abaalkeen markii Saldanadii power ka ahayd miskiin laga
    dhigay, oo salka loo dgigiwaayay Mar Garoowe marna Hargeisa.
    Waa nasiib darro dadku marka ay garashadu ka maqantahay oo waxa
    ay haystaan qiimihiisa garanayn.
    Ogaaday khaladka waa loo dhanyahay, haddii aan la isasixin sidan
    Maanta la tahay hoos baa looga dhici.
    Hala ducaysto oo shirweyne lagu tashado ha laysugu yimaad.

    Reply
  4. Jirac

    Wasir JAMAL Allah ha xafido we know who he is his heart is DHULKA UDUGA please stop no body hate him Reer barigu waxay yiraahdaan “BOOWE WAA SIYASAD” marka siyasada saxib maleh way ka baqayaan next challenge in puntland election so stop talking about him don’t follow their act.

    Reply
  5. Oday

    Jidbo iyo qabyaalad kadib aad baad u fahamtay qorshaha reer “maxaan cunaa” ee faroole hormoodka ka yahay
    Inkaarta ummada haysata waa iyaga oo fahmi waayey qiimaha Soomaalinimada iyagoo ka doortay maamul qabiil qolyo isku bedelaan oo loo dhistay ka hortaga dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh. Xaq daradaas lagu raacay dadka noocaas ah ayaa keentay horumar la’aan iyo tafaraaruq
    Waa in dadka la fahamsiiyo qabiil qaran ma noqdo.
    Hada ka hor reer Sanaag waxay soo dhameeyeen garoonka diyaaradaha garoowe iyagoo kasoo qaaday dawlada kuwait, lkn faroole wuxuu ugu abaal guday in wiilashoodii baarlamaan ku sheega garoowe lagu laayo oo meydkoodii oo yaala lagu dul codeeyo, weliba waxaa laba gacmood taagayey xildhibaan cawil kaasoo laga badbaadiyey in dacwad lagunsoo oogo oo la xiro, budhlaan waa sidaas dhaqankeeda iyo garashadeedu, waana tan keentay in dadka Sool degan ay ka doortaan gooni-goosadka indhaha l’a ee gumaysiga u adeega.
    Talo waxa loo baahanyahay ah in Soomaali aan godob laga gelin oo laga kaaftoomo qabiil iyo qurun dibna loo yagleelo qaran Soomaaliyeed oo ummada deeqa
    Budhlan iyo kooxda Soomaalidiidka ahi waa isku siyaasad waxayna kansiman yihiin ka hortaga dawlad soomaali oo dhan leedahay oo sharaf leh, daliilna waxaa u ah hadalkii Deni ee ahaa dawlada federaalku ha ka deyso faragelinta Somaliland iyo xujada uu hada ku xiray booqashadii raiisal wasaaraha isaga oo ka codsaday in Cabdi xaashi loo daayo ergada woqooyi arintaana waxaa toos uga codsasay muuse biixi. Sidoo kale ha ilaawin iyadoo beelaha Daarood ay u diyaar garoobeen naf iyo maalba xoreynta gobolka Sool in faroole arintaas hor istaagay isagoo u arka maamulka gooni-goosadka mid ay isku qadiyad yihiin budhlaan oo loogu tala galay ka hor taga dawlad Soomaaliyeed
    Indhaha fura
    Soomaaliya ha noolaato

    Reply

Leave a Reply to Mohamed Noor Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*