27th July 2024  admin  Category :

Maxay tahay sababta uu Shiinaha u dhoofsanayo kumannaan kun oo daanyeer ah?

Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay Shiinaha u dirto daanyeer gaaraya 100,000, sida uu BBC u xaqiijiyay wasiirka beeraha Sri Lanka, Mahinda Amaraweera.

Wuxuu sheegay in hadda ay socdaan wahadallada Shiinaha loogu dirayo daanyeerka kadib Shiinaha uu soo codsaday in loo soo diro 100,000 oo daanyeer oo ku nool dalkaas.

Shiinaha wuxuu qorsheynayaa in daanyeeradan uu geeyo 1000 kamid ah goobaha lagu xanaaneeyo duurjoogta ee ku yaalla halkaas.

Wasaaradda arrimaha beeraha ayaa qorshahan faahfaahin ka bixisay 11-ka bishan April, kulan ka dhacay dalkaas oo looga hadlayay dhoofinta daanyeerka waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay waaxda duurjoogta iyo mas’uuliyiin kale.XAYEYSIINhttps://bf9cbf8637b3ba750130890e6f7ad3ad.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Dowladda Sri Lanka ayaa go’aansatay inay sameyso guddi gaar ah oo qaabilsan arrintann. Guddigani waxay isla meel dhigi doonaan qodobada sharciga ee ku gadaaman daanyeerka faraha badan ee loo dirayo Shiinaha.

Wasiira beeraha Sri Lanka, Mahinda Amaraweera ayaa lagu wadaa in qorshahan uu horgeeyo golaha wasiirada.

Daanyeerka ma wuxuu halis ku yahay dhaqaalaha Sri Lanka?

Wasiirka beeraha Sri Lanka, Mahinda Amraweera
Qoraalka sawirka,Wasiirka beeraha Sri Lanka, Mahinda Amraweera

Waqtigan xaadirka ah, tirada daanyeerka ku nool Sri Lanka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay abid.

Sida laga soo xigtay wasiirka beeraha Mahinda Amarweera, Sri Lanka waxay hadda ku nool in ka badan 3 milyan oo daanyeer.

Dowladda waxay ku anddacooneysaa in daanyeeradaasi ay dhibaato weyn u geystaan ​​beeraha iyo dalagyada kasoo go’a Sri Lanka.

Wasiirka beeraha ayaa sidoo kale sheegay in daanyeerkan uu waxyeelleyn u geystay dhul beereed baaxad weyn oo ku baxo qumbaha.

Waxa uu BBC-da u sheegay in daanyeerka weyn gaarsiiyay dhaqaalaha dalka xilli uu dhibaato fara ba’an ku hayo beeraha waddankaas.

Waxa uu sheegay in arrintaasi darteed uu go’aansaday inuu daanyeerka loo diro Shiinaha.

Daanyeerkan ma hilibkiisa ayaa lagu isticmaali rabaa Shiinaha?

Daanyeer

Dadka qaar waxay ka cabsi qabaan in sababta loogu dirayo daanyeerka Shiinaha ay tahay in hilib ahaan looga cuno dalkaas.

Balse wasiirka beeraha ee Sri Lanka ayaa beeniyay suurtagalnimada arrintaas.

Shiinaha ayaa bixin doona dhammaan kharashaadka ku baxaya soo qabashada daanyeerka iyo sidii loogu qaadi lahaa dalkiisa.

Mahinda wuxuu sidoo kale sheegay in ku dhawaad 5000 oo rurpee oo u dhiganta 16 doolar ay ku baxeyso in lasoo qabto hal daanyeer ah.

Balse Shiinaha ayaa bixin doonaa 30,000 ilaa 50,000 oo rupees oo u dhiganta 92 doolar ilaa 154 doolar,tani waxa ku jira kharashka ku baxa soo qabashada daanyeerka, baaristiisa, iyo qaadistiisa.

Mahinda waxa uu sheegay in aanay suurtogal ahayn in Shiinuhu uu daanyeerkan hilib ahaan ugu isticmaalo dalkiisa.

Dhinaca kale, dowladda Sri Lanka ayaa ogolaatay in la dilo ama la ugaarsado 6 nooc oo xayawaan ah oo baabi’iya beeraha iyo dalgayada, waxaana kamid ah daanyeerka.

Laakiin, wasiirka beeraha Sri Lanka, Mahinda ayaa sheegay in uusan qaadan wax go’aan ku saabsan ugaarsiga noocaas ah si looga hortaggo waxyeelleynta ay xayawaanada ku hayaan wax soo saarka dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*