26th July 2024  admin  Category :

Maxay tahay daraasadda soo jeedisay in sigaarku caruurta u fiican yahay?

Waxay yiraahdeen waa run in sigaarka elektaroonigga ah ama vape-ku uu ka fiican yihiin sigaarka dadka waaweyn ee caadeystay cabbitaanka sigaarka, laakiin wuxuu waxyeello badan u geystaa carruurta.

Saynis yahanadu waxa ay had iyo jeer ku adkaystaan in sigaarku uu sabab u yahay kansarka noocyadiisa kala duwan, laakiin dadka ama hoggaamiye yaasha aan joojin Karin, waa in ay cabbaan sigaarka elektarooniga ah, kuwaas oo aan waxyeello u geysaneyn.

Sannadkii 2015-kii, markii cilmi-baaris cusub lagu sameeyay sigaarka elektaroonigga ah, dowladda Ingiriisku waxay daabacday daraasad lagu sheegay in sigaarka elektarooniga ahi boqolkiiba 95 ka ammaan badan yahay sigaarka caadiga ah ama kan faraha lagu qabsado ee la shito.XAYEYSIIN

Hadda, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in macluumaadka la daabacay ay tahay inay caddeeynayaan cidda ugu dhibka yar, sababtoo ah tan iyo markaas, carruur badan, gaar ahaan dadka da’doodu ka yar tahay 18 jir, ayaa waxay u maleynayaan in sigaarka elektaroonigga ah uusan waxyeello lahayn, iyagoo si aad ah u isticmaala qaarkood.

Sigaar

Dr. Mike McKean, oo ah ku xigeenka madaxa caafimaadka carruurta ee Royal College oo daaweeya carruurta qaba dhibaatooyinka sambabada, ayaa sheegay in xanuunnada qaar ay la kulmaan kaliya dadka waayeelka ah ee qabatimay sigaarka.

Dr. McCain ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ku sheegay in sigaarka elegtarooniga ah uusan ahayn mid loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada. Aad bay u dhibaysaa. Laakin saameyn xun kuma laha qof walba sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in faafinta fariinta ee waxyellada sigaarka Vape-ka ay tahay 95 boqolkiiba badbaado ay ahayd mid aad u fudud taasoo keentay jahawareer badan. Dr. McCain waxa uu sheegay in arrintan ay dhallinyaradii aan niyadda u hayn in ay sigaar cabbaan ay u beddelaan sigaarka elektaroonigga ah, oo hadda laga yaabo in ay balwad ahaan u yeesheen.

Professor Anne McNeil, oo hormuud u ahayd qoraalka warbixinta 2015-kii, ayaa BBC-da u sheegtay in xilligaasi ay haysay macluumaad badan, ayna diiradda saartay sidii ay u ogaan lahayd waxa ku jira sigaarka elektaroonigga ah. Waxay tiri, ujeeddadu ma ahayn in la yiraahdo waa caadi sigaarkan, laakiin waxa uu aad uga duwan yahay sigaarka dhabta ah marka loo eego khasaaraha nafeed ama waxyeelladiisa.

Tirooyinka la arkay marka laga soo bilaabo 2022-kii ayaa muujinaya in dadka da’doodu u dhaxayso 16-ilaa 24-jirka, in ka badan hal tobankii qofba mid ay cabbaan sigaarka elektaroonigga ah oo ay ku jiraan waxyaabo la qabatimay maalin kasta ama marmar.

Sigaar

Khasaaraha sigaarka elektaroonigga ah ayaa wali waxaa ku socda baaritaan.

Dalka Britain, qof ka yar 18 sano ma iibsan karo sigaarka elektaroonigga ah sida sigaarka kale ee caadiga ah oo kale. Haddii dukaanlaha lagu qabto isagoo sigaar ka iibinaya ilmo yar ama aan qaan gaarin waxa uu la kulmi karaa ganaax adag.

Haddii aad ka fikirtay inaad isku daydo inaad joojiso caadada sigaarka, keligaa ma tihid. Ku dhawaad 7 ka mid ah 10-kii qof ee sigaar cababa waxay sheegaan inay rabaan inay joojiyaan. Joojinta sigaar cabista waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad u samayn karto caafimaadkaaga.

sigaar cabbiddu waxay waxyeelo u geysataa ku dhawaad xubin kasta oo jirkaaga kamid ah, oo uu ku jiro wadnahaaga. Ku dhowaad saddex-meelood hal meel dhimashada cudurrada wadnaha waxaa keena sigaarka iyo qiiqiisa.

Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay u badalo sigaarka elektaroonigga ah balse laftigiisa ayaa la sheegay in uusan lahayn bad qab dhameystiran taasi oo keentay in dib loogu laabto baaritaankiisa.

Mowduucyada la xiriira

Dalka Britain, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in sannadkii 2015-kii, warbixin khaldan oo laga soo saaray sigaarka elektaroonigga ah awgeed, ay carruurtu isku dayeen inay cabbaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*