23rd July 2024  admin  Category :

Maxay salka ku heysaa doodda Af-maay iyo Maxaa tiri ee la hadal hayo?

Dood xooggan ayaa ka dhalatay warqad Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ay u dirtay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsanayd dib u eegis lagu sameeyo qodobka ka hadlaya luuqadda Soomaaliga ee ku qoran Dastuurka KMG ah.

Soo jeedinta Akadeemiyadda ayaa ahayd in Afka Maay-ga oo qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay ku hadlaan gebi ahaanba laga saaro Dastuurka Soomaaliya, loona daayo (Maxaatiri), waa sida warqadda ku qorneyde.

Agaasimihii hore ee Akadeemiyadda Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax) oo waraysi siiyay BBC-da ka hor inta Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uusan shaqo joojin ku sameynin ayaa ku sheegay warqadda ay u direen Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka iyo labada aqal ee baarlamaanka ay ahyed mid aan loogu talagalin warbaahinta, balse ay ahayd talo soo jeedin ay u direen dadka ku shaqada leh dib u eegista dastuurka.

“Waxaa la yiri hadal ninna si u yiri ninna si u qaaday, annagu haddii aan nahay akadeemiyadda warqadda waa qornay waxaan gaynay wasaarradda dastuurka iyo caddaaladda iyo labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ujeeddadu waxaa ay ahayd maddaama qodobbo ka mid ah dastuurka wax laga baddalayo oo go’aanka dowladda sidaas yahay in afka Soomaaliga oo qodobka shanaad uu ka hadlay lagu soo celiyo sidii uu sagaashankii ahaa oo ah afka rasmig ah ee dowladda waa Af-Soomaali iyo Carabi oo laga daayo fasirka ah Afka Soomaaliga bil la furay Maay iyo Maxatir,” ayuu yir Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax).

Maax waxaa uu difaacay aragtida warqaddani xambaarsan tahay, waxaana uu sheegay in afka Mayga iyo Maxaa tiriga ay isku mid yihiin.

Waxaa uu sheegay in markii sanadkii 1973-dii si rasmi ah loo sharciyeeynay afka rasmiga ah ee Soomaaliga, ay joogeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo May iyo Maxaa tir isagu jira aysan jirin doodda arrintas laga keenay.

“Waxaa la yiri afkaan ha lagu shaqeeyo xafiisyada dowladda, maamulka iyo saxaafadda ha looga shaqeeyo manhajka dowladdana ha kusoo baxo oo ha lagu qoro, maalintaas waa la wada oggolaaday, marka hadda in 40 sano kadib la yiraahdo laba af halaga dhigo waxaa ku wareeray jiilka cusub” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar ay BBC-da waydiisay in soo jeedinta akadeemiyada ay ka hor imaanayso dastuurka ku meel gaarka ah ayuu sheegay in arrinta aysan ahayn mid dhibaato leh, balse ay dadka buunbuuniyeen.

“Waa run hadda lama joogo 1973-dii, laakiin hadda nama hayso baahi aan afkeenna u badinno, sharcigu wuxuu leeyahay qofku marka uu hadlayo waxaa uu ku hadli karaa lahjadda uu rabo meeshii uu doono ha joogo, laakiin marka wax la qorayo ha lagu qoro tii lagu heshiiyay ee rasmiga ah”. Ayuu intaa raaciyay.

Muxuu maamulka Koonfur Galbeed ka yiri arrintan?

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed
Qoraalka sawirka,Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, Mustaf Axmed Iidow

Soo jeedinta akadeemiyaddu waxa ay dood adag ka dhex dhalisay bulshada, si gaar ah barraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid soo jeedinta akadeemiyadda ee ah in afka rasmiga ah laga dhigo (Maxaa tiri).

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mustaf Axmed Iidow, oo dhankiisa BBC-da la hadlay ayaa sheegay in soo jeedinta Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ay tahay mid ka hor imaanaysa dastuurka Soomaaliya ayna u taagan yihiin ilaalinta dastuurka.

“Dooddeenna waxaa ay tahay in dastuurka la ilaaliyo, kaas oo sheegay in luuqadda rasmiga ah ee dalka ay tahay Soomaaliga oo u kala baxdo Maayga iyo Maxaa tiri,” ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in akadeemiyada loogu talagalay in ay ilaaliso afka Soomaaliga aysanna ahayn inay sameyso soo jeedintan.

“In la dhaho afka Maayga waa lahjad oo lagu khaldo lahjadaha kale, ma ahan mid saxan, waayo Afka Soomaaligu waa Maay iyo Maxaa tiri,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mustaf waxaa uu sheegay in xafisyada dowladda iyo qoraallada loo isticmaali karo Maayga iyo Maxaa tiri labadaba.

Muxuu sharcigu ka qabaa arrintan?

Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax)
Qoraalka sawirka,Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax)

Mid ka mid ah sharci-yaqaannada Soomaaliyeed, kuna jiray dakdii wax ka qoray dastuurka Soomaaliya, oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa BBC-da u sheegay in Afka Soomaaliga ee dastuurka ku qoran uu yahay Maay iyo Maxaatiri.

“Sida uu qabo qodobka shanaad ee dastuurka Soomaaliya, afka rasmiga ah ee dalka waa waa Af-Soomaali oo ka kooban Maay iyo Maxaa tiri” ayuu yiri.

Soo jeedinta Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayuu sheegay in aysan ahayn mid sharci ah, balse ay tahay soo jeedin oo kali ah, waxaana uu intaas ku daray in xitaa soo jeedinta loo baahan yahay in ay siixiixaan tiro dad ah oo caymin oo dastuurku qeexayo.

“Qodob sastuur ah waa la baddali karaa, lakiin marka la baddalayo waxaa loo baahan yahay hannaan la maro, golaha soo jeedin oo kali ah ayay leyihiin, marka soo jeedinta sharci ma ahan”.

Baarlamaanka ayuu sheegay in ay leeyihiin awood sharci oo wax looga baddali karo haddii loo baahdo si la mid ah qodobbada kale ee wax ka baddalka lagu sameeyo.

“Xilligii hore ee dalka lagu maamulayay dastuurkii 60-kii iyo kii milatarigii dadka Soomaaliyeed ma ahayn kuwa kala tagsan, marka hadda waa in dalka iyo dadka la isku hayo,” ayuu BBC-da u sheegay.

Doodda xooggan ee ku saabsan soo jeedinta Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ee ah in dib u eegis lagu sameeyo qodobka ka hadlaya afka Soomaaliga ee ku qoran dastuurka KMG ah ayaa sababay in shaqo joojin lagu sameeyo agaasimihii akadeemiyadda, kaddib warqad kasoo baxday xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya. Xilkan ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*