3rd March 2025  admin  Category :

Maxay ku samaysay kitaabka quraanka haweeneydan lagu xiray jabuuti

Wararka ka imaanaya jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in dhawaanahan la arkayey Fiidiyow aad loo wadaagay oo muujinaya qof dumar ah oo jeex-jeexaysa kitaabka quraanka.

Booliska Jabuuti ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen haweeneydaas. Madaxa adeegga booliska ee saldhigga booliska degmada labaad ee magaalada Jabuuti, Ibraahim Shamsaan Cali ayaa saxaafadda u sheegay inay qofkaas dumarka ah gacanta ku soo dhigeen.

“Waxaanan idiin soo gudbinayaa xaqiiqooyinka dhacay maalintii 21-ka February 2025-ka, Saraakiisha Booliska Saldhigga Degmada 2-aad sida ay amar ku bixinayeen Madaxda Sare iyo Xeer ilaalinta. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray muuqaal ay gabar ajnabi ah iska duubtay oo aay jeexjeexday, si bareer ah quraanka kariimka, isla markaana lagu faafiyay baraha bulshada sida Facebook-ga iyo Tiktok. Haddaba, waxaa la billaabay baaritaan adag oo lagu baadi-goobayo eedeysanaha, gabadha falka geysatay, waxaana laga soo qabtay guri ku yaalla Gabood” ayuu yiri mas’uulkaas ka tirsan madaxda booliska ee magaalada Jabuuti.

Quraan la jeexjeexay
Ibraahim Shamsaan Cali
Qoraalka sawirka,Ibraahim Shamsaan Cali

Wuxuu intaa ku daray caddaynta laga helay telefoonkeeda gacanta “markii la xiray taleefankeeda waxaa lagu qabtay qur’aanka kariimka ah ee aay jeexjeexaysay intii lagu guda jiray su’aalo weydiinta barista” ayuu sii raaciyey.

Falkan ayaa waxaa gabadhaas ku wehlisay gabar kale oo sida uu mas’uulkaas sheegay ku dhiirri galisay inay samayso.

“Haweyney gacan saar la lahayd ayaa iyana jirtay, taasoo lagu eedeeyay in ay gabadhan sal-kicisay oo saameyn ku yeelatay inay qaadato diin kale, ayadoo sido kalena u sheegtay balan qaadyo, waxayna qiratay falkaas, ayadoo la horkeenay xeer ilaalinta si ay uga jawaabto su’aalaha laga doonayo” ayuu yiri Ibraahim Shamsaan.

Labada gabdhood ayaan la sheegin magacyadooda iyo dalalka ay u dhasheen.

Kitaab jeexan

Caro ayaa ka dhalatay falkaas ay gabadhu ku jeex-jeexday kitaabka quraanka, waxaana dadka ka falceliyey ka mid ah Alexis Maxamed Geeldoon oo la taliye u ah madaxweynaha Jabuuti, isagoo dalbaday in dalka laga saaro.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay “Dalkeenna waa inuu waddankooda u diraa kuwa aan xushmayn qiyamkeenna iyo diinteenna. Waa wax aan loo dulqaadan karin oo aan la aqbali karin in ajaanibtu ay daandaansi kitaabka lagu jeexjeexayo ka sameeyaan dalkeenna oo ah dal Muslim ah” ayuu yiri Alexis Maxamed.

Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay “in aan loo dulqaadan, dhinacyadii dambiga gaystayna laga eryo dhulkeenna. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay had iyo jeer xaqiijisaa in la ixtiraamo xaqa uu qof kasta u le eyahay inuu wax caabudo, waxayna diiddaa ficillada noocan oo kale ah” ayuu sii raaciyey.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah dal ay ku nool yihiin ilaa hal malyan oo qof oo ah dadka dalka u dhashay ayaan weli la kulmin dhacdadan oo kale, waana dal ay dhanka kale ku nool yihiin ajaanib u jooga hawlo ganacsi, kuwo diblomaasiyadeed iyo ciidamo ka kala socda tiro dalal ah, haystana diimo kala geddisan, waxaana dalkan oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in dadka ku nool ay 94% Islaam yihiin uu ku yaallaa meel istraatiji ah oo ganacsiga dunida xuddun u ah.

Dhawaan ayaa dalka Sweden waxaa lagu dilay Salwan Momika oo si bareer ah u gubay kitaabka dhowr goor. Meydkiisa oo rasaas ay ku taallo ayey booliska Sweden ka heleen gurigii uu degganaa xilli lagu waday inu maxkamad ka soo hor muuqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*