10th January 2025  admin  Category :

Hadday sidan yihiin maxay ku diidanaayeen Kornayl Tuke

Kornayl Yusuf Cabdi Cali, oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, oo ka mid ahaa saraakiishii dawladdii kacaanka, kana soo jeeda Beesha Dhulbahante ee Harti , oo ay beesha Isaaq daba dhigteen si ay mar Xabsi ugu hubsan lahaayeen, ayaa sagaashameeyadddii sidii Soomaali badan oo dagaaladdii Soomalaiya ka soo cararay iska dhiibay Dalka Canada. Markiiba waa isaga tegay dalkas, ka dib markii ay dacweeyeen qaar ka mid ah jabahadda SNM.

Maraykanka ayuu degay oo Nolol Cusub ka samaystay, mar kale ayeey jabhaddii SNM daba galeen, hase uu ku guul daraysteen inay xabsiga dhigaan.

Safarkii ugu danbeeyey ee Madaxweyne Farmaajo ku tegay Maraykanka ku ayaa xafladdii loo qabtay Madaxweynaha waxa ka soo qayb galay Soomaali badan oo taageersanaa, dadkaas ka soo qayb galay xafladda waxa ka mid ahaa Kornayl Tuke, sida ay Soomalai badan samaynayeen habeenkaas sawir ayuu la galay Madaxweynaha .

Sawirkaas waxa ka qayliyey in badan oo ka mid ah beesha Hawiye, Maalintii Xigtay waxa faalo ka bixiyey sawirkaas Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo maanta ah Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini-aadimada iyo Gurmadka Abaaraha, Wuxuuna yidhi sidan isaga oo madaxweyne Farmaajo la hadlaya oo sawirka labada qof ee aan is aqoon ee sawirka wada galay ka dhigaya mid qabiil “”Nebigeennu wuxuu yidhi hadii aanad xishoonayn waxaad doonto samee”.

Maanta Madaxweyne Xasan Culusoow, waxa ku weheliyey Furitaanka Meertada 77-aad Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobey siyaasiyiin ka soo wada beesha Hawiye oo isagu magcaabay si ay uga faaiidaystaan Munaasibasahan oo kale

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini-aadimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxm Cabdishakuur. ka so jeeda Beesha Habargidir

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Xaaska Cabdikariim Guuleed o ah Gudoomiye ku xigeenka Damul jadiid ka soo jeeda beesha Habar gidir

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ka soo jeeda Beesha Habar Gidir, ahna mulkiilaha Idaacadda afka Beelaha Hawiye ee Goobjoog

Ugu danbayntii Madaxweyne adiga iyo kooxda kula socotaa ee beesha Hawiye waxaad ka qayliseen oo qabyaalad u aragteen sawir uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo la galay Muwaadin Somaaliyeed oo Qaranka u soo shaqeeyey laguna cayrsanayo midnimada Soomaaliya, oo aan haba yaraatee wax xil ah ka ahayn Dawladda Soomaaliya. Halka idinku, iyada oo aan la idin wehelin aad magacii Soomaaliyeed uga qayb gasheen shirar ka dhacay Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, dalka Maraykanka iyo Qarmada Midoobey.

Madaxweyne sida dhaqanka Soomaalidu ahaan jiray marka hal qabiil is raacaan oo xocdaalaan ama isu habar wacdaan labo mid ayeey ahaan jirtay 1- Inay gabar reer ahaan u doonayaan, oo u socdaan reer kale oo ay gabadha waydiisanayaan 2- iyo inay la soo garnaqsanayaan beel ay horay isu hayeen. Hadaba sawirkii Tuke waa diideen , dawladnimadii waa idin ku ciyaaraya , bal hadaba Soomaali u caddeeya labadaas arimood midkaad Maraykan u joogtaan waa idinka reer ahaan u wada socdee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*