21st May 2024  admin  Category :

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qadar?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Qadar uga qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay ee dalalka ugu hooseeya caalamka – dhinaca horumarka ayaa la kulmay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.” ayuu raaciyay warsaxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka waddamada ugu horumar yar caalamka oo ka furmay Qadar ayaa la qabtaa 10-kii sanaba mar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxaana shirka sannadkan diirada lagu saari doono sidii kor loogu soo qaadi lahaa 46-da wadan ee la magacaabay ee ugu hooseeya xagga horumarka caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*