10th July 2026  admin  Category :

Siyaasiyiinta Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen iyo maleeshiyaadkooda afduub ma ku haysan karaan Caasimadda Puntland.

Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Caasimadda Puntland ee Garowe labadaba reerka degan ayaa gaar u sheegta, waxay doonayaana ka hela,.Hase ahaatee waa kala duwan yihiin.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waa magaalo Qarniyo soo jirtay, waa magaalo soo martay isbedelo siyaasadeed, waa magaalo ay xukumi jiren Qawmiyadi kala duwan waa magaalo ganacsi oo leh deked iyo garoon diyaaradeed oo Caalami ah. Waa magaalo intay jiray ummad kala duwani sida Carab iyo Soomaali ay kuwada noolaayeen ama dhamaan beelaha Soomaaliyeed.

Garowe, ma jirin inatay Muqdisho jirttay, waxa ahayd a dooxooyin lagu dhaqan xoolaha qaarkood. Ma laha deked, Hase ahaatee waxay nasiib ku yeelatay markii la dhisayey Puntland ayaa dhowr siyaasi oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud oo uu ka mid ahaa Faroole, waxay diidmo kala hor yimaadeen inaanay cid aan Majeerteen ahayn maamul la samaystaa oo ay doonayaan oo qura maamul Majeerteen beelihiisa ah , Si maamul mug weyn oo beel ka weyn loo sameeyo ayaa lagu maslaxay inay Caasimadda qaataan. Caasimadda Puntland, marna lagama doodin loomana codayn halka ay noqonayso. Taas ayaa keentay in Siyaasiyiinta Beeshaasi ay mar walba iyaga oo sheeganaya Caasimadda ay xoog wax ku doonaan. Ilaa maanta ay heleen Wasiir kale. Intaas kuma jogine jabhad ayeey samaystaan iyaga oo aan qarin waxa ay doonayaan’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*