29th March 2024  admin  Category :

Maxay dowladda Zambia ku haystaa Soomaalidii la xirxiray iyagoo ka soo baxaya salaadda jimcaha?

Ciidamada booliiska ee dalka Zambia ayaa tobonaan qof oo Soomaali ah si aan kala sooclahayn uga taxaabay masaajid ku yaal magaalada Ndola ee ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas ka dib saaladdii jimcaha oo shalay oo ay halkaa ku tukudeen.

Dadkaas oo la isugu geeyaan garoon kubadda cagta lagu ciyaaro ayaa intooda badan markii dambe la sii daayey, hase ahaatee waxaa jira wali dad aan la siidayn oo ku jira gacanta booliiska, sida ay BBC-da u sheegeen masuuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee halkaa ku dhaqan.

Hadda wararkii ugu dambeeyey ee dhacdadaas waxaan ka waraysannay, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, Maxamuud Maxamed oo Hiiraan ku magac dheer.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay dadkaas sida aan kala sooca lahayn loo xir xiray, war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay dadkaa Soomaalida ah ee habka isirka ah ee beegsaday ayadoon loo eegin dhalsho ahaan.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ay ku howllan tahay sidii ay caddaymo uga heli lahayd dowladd Zambia iska marrkaan si deg deg ah loogu xallin lahaa arrimahaas aadka looga xumaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*