26th July 2024  admin  Category :

Aruna Lori oo ah dhakhtar ku takhukhusay suuxinta ayaa lagu qasbay inuu tago furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxaha jaahidiyiinta ee dhibaatada ka wada, wadanka ku yaal galbeedka Afrika ee Burkina Faso.

Dr Louré ayaa sheegay in uu la joogay bukaanno ku jiray qolka qalliinka ee isbitaalka uu ka shaqeynayay ee caasimadda Ouagadougou, markii askar hubeysan ay si lama filaan ah gudaha uga soo galeen.

“Waxay ii sheegeen in ay igu qasbi karaan in aan baxo iyaga oo isticmaalaya hab dabacsan ama qasab ah intaba” ayuu BBC-da u sheegay 38-jirkaan.

“Dhakhtar kale ayaa iga beddelay [tiyaatarka) qallaniinka ka dibna waan baxnay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa lagu qaaday gaari ay wateen askartu, waxaana loo waday xero ciidan oo boqolaal mayl u jirta halka uu ka shaqeeynayay.

Waxa uu ka mid yahay rag badan oo lagu qasbay in ay ku biiraan waxa loogu yeero Mutadwiciinta difaac dhulka hooyo (VDP).

Waa kooxo ka kooban ilaa 50,000 oo askar ah, waxaa sameeyay ciidamada milateriga ee uu hogaamiyo Kabtan Ibrahim Traore si loo xoojiyo dadaalka ciidanku ugu jiro dib u soo celinta dhulka ay haystaan kooxda jaahidiyiinta, kuwaas oo sida ay sheegtay Waaxda Difaaca Mareykanka iyo Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika, in ay wadaan qorshe ay ku hareereynayaan magaaladda Ouagadougou”

Markii Kabtan Traoré uu la wareegay awoodda dalkaasi bishii Sebtembar 2022 kii ka dib afgambi uu sameeyay, wuxuu ballan qaaday inuu hagaajin doono xaaladda amniga dalka “labo ilaa saddex bilood” iyo in uu soo celin doono xukunka rayidka ah bisha Julaay ee sanadka 2024.

Laakin Kabtan Traoré oo ah hogaamiyaha ugu da’da yar dowlad Afrikaan ah – ayaa ka soo horjeestay ballanqaadkii uu sameeyay , isagoo sheegay in doorashooyinku aysan “mudnaan lahayn” ilaa dhulka ay gacanta ku hayaan jihaadiyiintu dib looga qabsado si qof walba uu u codeeyo.

“Ma dhici doonto doorasho lagu soo koobo Ouagadougou, Bobo-Dioulasso iyo magaalooyinka kale ee u dhow,” ayuu yiri bishii Nofembar ee sanadkii hore.

Kabtan Traore waxa uu difaacay askaraynta shacabka, isaga oo sheegay in difaac dalka uu yahay masuuliyada qof walba.

Waxa uu Burkino Faso u soo jiheeyay dhanka Ruushka, isaga oo soo afjaray xiriirkii dhowaa ee uu la lahaa Faransiiska oo hore u gumaysan jiray.

Hogaamiyaasha Militariga dalka Burkino Faso ayaa cayriyay diblumaasiyiintii u dhashay dalka Faransiiska, waxaana la xiray saldhiggii uu Faransiiska ku lahaa wadankaas.

Ruushka ayaa dib u furay safaaradii uu ku lahaa Burkina Faso, ka dib markii la xiray in ka badan 30 sano ka hor, waxa uu sidoo kale ka caawinayaa ciidamadooda si ay u xoojiyaan awoodooda.

Todobaadkii hore ayuu Kabtan Traoré sheegay in ciidamada Ruushka ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah jaahidiyiinta, hadii loo baahdo, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ku dhawaad 100 askari oo Ruush ah ay horey usoo gaareen dalkaasi.

Ku biiritaanka Dr Louré ee kooxda Mutadwiciinta difaac dhulka hooyo ayaa timid bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, qiyaastii shan bilood ka dib markii milatariga uu soo saaray go’aan, siinaya awood ballaaran oo ay ku askareeyaan qof kasta oo ka weyn da’da 18 si uu ula dagaallamo Jaahidiyiinta.

Dhakhtarka suuxinta ayaa aaminsan in sababta loo beegsaday ay tahay inuu baraha bulshada si weyn ugu dhaleeceeyay madaxda militariga, isagoo ku sifeeyay inay yihiin “ kuwa meel iska dhigay dastuurkii dalka ” markii ay ka baxeen jiidaha hore ee dagaalka.

“Dalkan hadda ka dib xor uma nihin in aan sheegno waxa aan qabno,” ayuu u sheegay BBC.

Walaaca Dr Louré waxaa ka dhawaajiyay kooxda u dooda xaquuda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW), oo warbixin ay soo saartay bishii November ku sheegtay in ciidamada milatariga ay u isticmaalayaan inay ” howlgalada ka dhanka ah mucaaradka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*