26th July 2024  admin  Category :

Maxay dawladda Soomaaliya ka tiri “khalkhalka la galiyey” dayaaradda El Al ee dul maraysay hawada Soomaaliya

Markii labaad todobaad gudihiis ah ayaa sida ay BBC ka soo xigatay mas’uul ka tirsan qaybta duullimaadyada rayidka ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, waxay rumaysan yihiin in Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya.

Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”.

Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda duulista hawada oo si aan la garan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Mar uu BBC kala hadlayey talaabooyinka ay suurtogalka tahay in ay dawladdu qaaddo ayuu ku sheegay inay isugu jiraan dhowr, laakin “talaabada ugu horraysa waxaa laga qaadi doonaa injineerro ajnabi ah oo gacan ka gaystay in Khalkhal la galiyo dayaaraddii Israa’iil ay lahayd ee sida Khalkhal la galiyo dayaaraddii Israa’iil ay lahayd ee sida khaldan loola hadlay ayadoo dul maraysay hawada Soomaaliya”.

Taawarka laga hago dayaaradaha

Shirkadda dayaaradaha ee Israa’iil ee El Al ayaa dayaarad ay leedahay oo dul maraysay hawada Soomaaliya waxaa la sheegay in xiriir lala sameeyey.

Dayaaradaas oo xilliga lala xiriiriyayey ku sii jeedday ka timid Israa’iil, kuna sii jeedday magaalada Phuket ee dalka Thailand sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil, ayaa sida lagu xusay war saxaafadeed ay shirkaddu ku baahisay barta Ynet waxay ku sheegtay in “aysan saamayn ku yeelan hawlaha dayaaradda, ayadoo duullimaadkuna sii socday.”

Sarkaalka ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya wuxuu sheegay in markii dayaaradda lagala xiriiray Hargaysa iyo Muqdisho ay “duuliyeyaashu ku jaha wareereen, ka dibna ay qaateen go’aan u gooni ah, ayagoo ay ka weecday khadkii ay ku duulayeen oo u dhawaa Baabul Mandab dusheeda, halkaasoo ah meel ay ka dhow yihiin Xuutiyiinta Yemen”.

Hawada Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey ahayd meel soo jiidatay cinwaannada warbaahinta markii laga celiyey dayaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ku sii jeedday magaalada Hargaysa, waxaaana wakhtigaas ka dib billowday eedeymo sheegayey in si khaldan loola hadlo dayaaradaha dul maraya hawada Soomaaliya.

Garoonka Cigaal international Airport

Muranka ayaa sidoo kale lugta la galay cidda xaqa u leh inay koontaroosho hawada Soomaaliya. Haddaba sidee loola xiriiraa dayaaradaha dhulka lagala hadlo.

Injineer Maxamuud Maxamed Cali waa khabiir dhinaca duullimaadyada rayidka ku takhasusay, horena ula soo shaqeeyey waaxda duullimaad yada rayidka ee dawladda Soomaaliya.

“Dayaaradaha dhulka lagala hadlo waxaa lagula xiriiraa isgaarsiinta raadiyaha oo leh mowjado u gaar ah (Frequencies) kuwaasoo u kala baxa HF iyo VHF. HF waxaa isticmaala dad aan xataa duullimaadyada shaqo ku lahayn, laakin VHF waxaa isticmaala dayaaradaha iyo garoomada” ayu yiri injineer Maxamuud.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan isafgarasho gaar ah oo lagu wada hadlo, taasina ay u baahan tahay aqoon. “Waxaa jira wax la yiraahdo ‘Code sign’, waana ataamo lagu dhawaaqo sida Alpha Bravo, Charlie IWM”, waxaana yaqaanna dadka ka shaqeeya duullimaadyada iyo badaha.”

Wuxuu kaloo sheegay in aysan cid kasta isticmaali karin Frequencies-ka (lambarrada Mowjadaha) lagala xiriiro dayaaradaha, marka laga reebo dad u tabbaran oo yaqaanna mooyee.

Ilaa hadda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duullimaadyada rayidka (ICAO) kama aysan hadlin cabashooyin hore uga yimid dayaarado xaaladdan oo kale la kulmay, iyo Soomaaliya iyo Somaliland oo siyaabo kala duwan ula xiriiray ayagoo kala cabanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*