16th October 2024  admin  Category :

Maxaa ugu weyn ee laga fili karaa Shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawladda federaalka.

Kulanka waxaa looga arrinsanayaa, ilaa hadda inta la ogyahay, amniga, dhamaystirka hanaanka dimuqaraadiyeynta iyo iskaashiga guud ee dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka.

Madaxda ka soo qayb gashay kulanka ayaa aragtiyo kala duwan ka leh qorshayaashaas, gaar ahaan arrinta doorashooyinka, wuxuuna ismaandhaafka ugu weyn dhex maray dawladda federaalka iyo maamulka koofur galbeed, gaar ahaan Cabdicasiis Lafta Gareen, arrintaasoo salka ku haysay in maamulkaas uu doorasho isagu qabsado.

Ismaandhaafkaas ayaa waxaa ka ergeeyey mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidanka asluubta jeneraal Mahad cabdiraxmaan oo aakhirkii ku guulaystay inuu wada hadalsiiyo Lafta gareen iyo madaxweyne Xasan Sheekh, uuna ku qanciyo in madaxweynaha koofur galbeed uu shirka tago.

Laba qodob oo midba kan kale ay dhici karto inuu ku xiran yahay ayaa laga yaabaa in shirka ay ka soo baxaan, waana muddo kororsi ama/iyo jadwal doorasho oo dhow.

Ugu yaraan seddex ka mid ah madaxda shirka ka qayb galaysa ayaa bisha soo socota ee Nofembar waxaa lagu wadaa in ay ka dhamaato muddada xil haynta, waxaana adkaanaysa in wakhti kale lagu daro muddada ay xilka haynayaan.

Arrintaas waxaa aad uga qayliyey qaar ka mid ah mucaaradka oo haddiiba ay dhacdo u arka in lagu tumanayo nidaamka dimuqaraadiyadda. Waxay kaloo ka cabsi qabaan in madaxda oo dhan oo ay ku jiraan kuwa federaalka ay iyaguna muddo xileedkooda kororsadaan, arrintaasoo loo arko mid qalalaase siyaasadeed keeni karta sida ay qabaan falanqeeyayaasha qaar.

Laakin sidaasoo ay tahay waa mid ka mid ah qodobbada xalka u baahan, waayo madaxda maamul goboleedyada qaarkood waxay doonayaan in doorasho ay qabsadaan, taasoo durba shaki la geliyey daah-furnaanshaheeda iyo dhexdhexaadnimadeeda.

Golaha wadatashiga

Waxaa kale oo taa ku xiran qorshaha doorashada qudhiisa. Sida muuqata ama loo badinayo, waxaa adkaanaysa in doorasho qof iyo cod ah la qabto marka la eego xaaladda hadda taagan iyo wakhtiga yar ee haray. Haddii ay taas socon weyso, qorshaha kale ee xigi kara waa doorasho dadban oo markii horeba aysan mucaaradku dood badan ka qabin.

Waxay kaloo taas keeni kartaa in shirkan laba arrimood oo qorshaha doorashada la xiriira lagu lafa guro, waaba haddii isku aragti laga noqdee. Tan hore waa in la isla garto qaab wadar-oggol ah oo doorashooyinka maamul goboleedyadu ku qabsoomaan ayadoo qorshaha lagu darayo walaaca ay qabaan mucaaradka maamullada.

Haddii taas ay noqoto mid laga gudbo, waxaa cuslaan doona jadwalka doorashada iyo guddiga doorashada oo noqon doona mid muran badan uu hareeyo.

Labadaas qodob meelo fog fog ayey ka kala taagan yihiin dhamaanba dhinacyada siyaasadda.

Qodob kale oo isna xasaasi ah ayaa noqon kara ka qayb galka geeddi socodka oo horena Puntland ay u qaaddacday. Haddii aysan billowga gorgortanka la qabsanna wuxuu culays ku imaan karaa jadwal kasta oo loo baahdo in lagu heshiiyo ama la dhaqan galiyo.

Falanqeeyayaasha qaarkood waxay qabaan in arrimaha qaar uu ismariwaa ka jiro. “Ismariwaaga meelaha uu ka jiro waxaa ka mid ah xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo maamullada qaar ay u arkeen fursad ay qorshahooda ku meel marsan karaan, ama ay ka dhigan karaan qodob ay ku gorgortamaan” sidaa waxaa qaba Cabdiweli Gurey oo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya falanqeeya.

Golaha wadatashiga

Wuxuu kaloo Cabdiweli Gurey qabaa in dawladda Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay arrimaha siyaasadda ee maamil goboleedyada. “Dawladda federaalka waxay hasataa sharciyad, waxaana uu xil ka saaran yahay in ay door ku lahaato doorashooyinka maamul goboleedyada sida codbixinta, kormeerka iyo daahfurnaanta, waana inay iska dhowrrto inay iyadu farageliso doorashooyinka mamul goboleedyada maadaama kala shakii badan uu jiro” ayuu yiri Cabdiweli Gurey.

Dr Cabdullaahi Cali oo isna falanqeeya siyaasadda Soomaaliya wuxuu qabaa in wixii horeba loogu heshiiyey aysan dhaqan gelin. “Waxaan ognahay in barnaamijka dib u eegidda dastuurka uu soo dhex galay, kaasoo qayb ka mid ah ay khusayso doorashooyinka, taasi waxay ka mid ahayd caqabadaha. Haddii waxa heshiisyadii hore aysan waxba ka hirgelin, kuwa dambe ee lagu heshiisn doono inay wax iska beddeli doonaan iyo in kale calaamad su’aal ayaa saaran” ayuu yiri Dr Cabdullaahi.

Wuxuu intaa ku daray in jahawareer uu jiro sida in “dawlad goboleedyadu doonayaan inay qabsadaan doorashooyin ay u madax banaan yihiin, halka dawladdana mowqifka ay arrimahan ay ka taagan yihiin uu hadba dhan u guurayo. Qolo kasta waxay doonaysaa in dantooda ay ka dhex arkaan, laakin waxa ugu haboon oo dadka Soomaaliyeed jeclaan lahaayeen ayaa ah in dawladda federaalka ay cayinto xilliga ay doorashooyinka dhacayaan”

Durba waxaa kulankan ka hadlay bulshada rayidka waxayna ugu baaqeen golaha qodobbo ay ka mid yihiin in “shirka uu ka soo baxo hab raac hufan ee hanaanka doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo tan federaalka, lagana ilaaliyo waqti kororsi aan waafaqsaneyn dastuurka, kana madax banaan siyaasad musuq maasuq ku dhisan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*