27th April 2024  admin  Category :

Maxaa u roon dhabar xanuunka?: Sida ay soo jeedisay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO

Dhabar-xanuunka, gaar ahaan xanuunka qaybta hoose ee dhabarka, waa mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee la yaabka leh sababtuna waxay tahay tirada badan ee dadka qaba xanuunkan iyo sida aadka ah ee uu u saameeyo nolol maalmeedkeenna.

Haddi aysan weli ku qabsan dhibaatada dhabar xanuunku, waxa suurtogal ah in aad la kulmi doonto maalin uun.

Si aad fikrad ugasii haysato, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu xaqiijiyey in xanuunka dhabarka qaybtiisa hoose uu yahay sababta ugu weyn ee curyaamisa isla markaana shaqada joogtada ah iyo nashaadyada firaaqada ee dadka aduunka.

Sannadkii 2020, ku dhawaad 13kii qofba mid ka mid ah oo qiyaastii ah (in ka badan 600 milyan oo qof) guud ahaanb caalamka ayaa la kulmay dhibaatadan ugu yaraan hal mar, taasoo ka dhigan koror 60% ah marka loo eego 1990kii.

Waxaa lasoo jeediyey

Ururku wuxuu tilmaamay in dhibaatadan caafimaad ay saameyn iyo kharash badan ku leedahay qofka iyo guud ahaan bulshada , sidaas darteedna la bilaabay December 2023 tilmaanta ugu horreysa ee lagu hagayo daaweynta xanuunka dhabarka hoose ee daba-dheeraada (marka xanuunku uu socdo in ka badan saddex bilood oo xiriir ah).

Dukumeentiga waxaa saxiixay dhowr khabiir oo ka kala socda adduunka, kuwaas oo qiimeeyay caddaymaha sayniska ee la heli karo si loo go’aamiyo waxa dhabta ah ee u roon- iyo waxa ka soo horjeeda – marka la daaweynayo dhibaatadan.

Marka la eego dhaqamada ay khubaradu ku taliyaan, waxa ay isugu jiraan daryeel guud iyo mid joogto ah, sida barnaamijyada waxbarashada, kulamo lala yeesho dhaqaatiirta cilmi-nafsiga iyo jimicsi, daawaynta gaarka ah si loo gaaro daryeel degdeg ah, sida dawooyinka fudud ee ka hortagga bararka iyo in qofka loo daliigo dhabarka.

Masaaj

Marka loo eego tilmaamaha WHO, daawaynta xanuunka dhabarka hoose ee loo hayo caddeyn wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo oo ay faa’iidooyinku ka weynyihiin dhibaatada waa:

  • Waxbarasho/la-talin habaysan
  • Barnaamij jimicsi jireed
  • Hababka daaweynta cirbadaha
  • Daaweynta manipulative therapy (nooc daliigga ka mid ah)
  • Duugista/daliigista
  • Daaweynta dabeecadda qalliinka (nooc teraabiyada cilminafsiga)
  • Daaweynta dabeecadda garashada (nooc teraabiyada cilminafsiga)
  • Daawooyinka fudud ee ka hortagga bararka (sida ibuprofen iyo diclofenac)
  • Kareemyada daliigga ee ka samaysan geed kulaylyada sida ( Capsicum annuum )
  • daryeel nafsi-bulsho oo dhamaystiran

Maxaan u wanaagsanayn dhabar xanuunka?

kaniin

Tilmaamaha WHO ayaa sidoo kale sheegaysa daawaynta aycilmi-baarayaashu u arkaan kuwo aan fiicneyn, kuwaas oo ah kuwo aa loogu tala galin xanuunka dhabarka hoose ee guud ahaan, sababtoo ah khatarta ayaa ka weyn faa’iidooyinka:

  • Kal jiidista laf dhabarta oo ah nooc aad loo isticmaali iyada oo qalabka iyo farsamooyinka ballan qaadaya in ay yareeyaan cadaadiska iyo xanuunka laf dhabarta la isticmaalayo
  • Daweynta ultrasounds
  • Isticmaalka daweynta korontada ee Neurostimulation (TENS)
  • Suunka iyo waxyaabaha kale ee lagu xiro dhabarka hoose
  • Daawooyinka nooca opiate
  • Daawooyinka walwalka
  • Daawooyinka qalalka
  • Kuwa lagu nasiyo lafaha iyo murqaha
  • Daawooyinka nooca corticosteroid
  • Daawooyinka suuxinta la isku duro
  • Daawo dhireedka iyo dhammaan farsamooyinka aan cilmiga lagu xaqiijin
  • Dawooyinka miisaanka lagu dhimo

Noocyada daweynta ee aan cilmi ahaan la hubin

Liiska WHO waxa kale oo uu iftiimiyay noocyada daawaynta kuwaas oo aanay jirin cadaymo cilmiyeed oo ku filan si loo ogaado in ay shaqeeyaan iyo in kale.

Sida laga soo xigtay qorayaasha dukumeentigu, waa lagama maarmaan in la sugo cilmi-baaris cusub si loo ogaado wax badan oo ku saabsan fursadahan ka hor inta aan lagu darin liiska daaweynta. Liiskaan waxaa ka mid ah:

Daaweynta dabeecadda falcelinta (nooc teraabiyada cilminafsiga ah)

Daaweynta garaadka (nooc teraabiyada cilminafsiga)

Dhaqannada dhimista welwelka iyo walbahaarka

Xanuun baabi’yaha Paracetamol

Daawooyinka nooca Benzodiazepine

Daryeelka ku saleysan xashiishadda

Nooca daryeelka jirka la mariyo ee ku salaysan arnica ( Solidago chilensis )

Sinjibiisha (Zingiber officinale)/Daawo dhireed

daliigista jirka ee ku salaysan ubaxa cad ( Lilium candidum )

Xakamaynta miisaanka jidhka iyada oo loo marayo waxqabadyo aan dawooyin ahayn

Tilmaamaha, waxaa kaliya lagu tilmaamay wax aan dhibaato lahayn hal nooc oo kaliya, kaas oo ah isticmaalka qalabka caawiya dhaqdhaqaaqa dadka qaba xanuunka dhabarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*