6th February 2023  admin  Category :

Madaxweeynihii hore Xasan Shiikh iyo koox illaalo ah oo la socotay isaga ayaa lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho kadib markii ay isku dayeen ineey xoog ku dhaafaan xarun ay ciidanka asluubta fadhiyeen.

Waxaa la ogyahay in argaggixisada ay inta badan gaari laga soo buuxiyey walxaha qarka ay si xooli ah ugu dhuftaan halka ay weerarayaan, marka ciidanka xarunta fadhiyey mar qura waxeey ka war helleeyn gawaari iska ordeeysa oo dooneeysay ineey kantaroolka xoog ku dhaafaan.

Ciidanka oo waajibkooda gudanaya, difaacayana naftooda ayaa ku furay rasaas kolayadii isku dayeeysay ineey meesha xoog ku dhaafaan. Xasan Shiikh iyo kuwa la midka ah ayaa aaminsan in Muqdisho ay tahay goof ay leeyihiin oo sidii ay doonaana ay u dhaqmi karaan.

Hadaba dawladnimadda Soomaaliya ayaa mar kasta ah mid ku sugan qatar ah ineey burburiyaan kooxdan aan dawladnimada iyo kala danbeeynta aan qiimaha ugu fadhiyin. Si kastaba ha ahaato, Soomaali waxeey u baahantahay caasimad dadka ka dhaxeeysa oo qof kasta uu dareemayo in aan cid gaar ah ka laheeyn, dhagaha qos kastana aysan maqleeyn “Unukaa iska leh Muqdisho.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*