6th February 2023  admin  Category :

Dhawaan waxaa magaalada Badhan looga dhawaaqay Golaha Badbaado Maakhir. Hadaba, waa maxay hadafka loo aas-aasay?

Dhinaca Puntland maxeey ka yiraahdeeyn Badbaado Maakhir ee looga dhawaaqay magaalada Badhan?

2 thoughts on “Maxaa loo Abuuray Golaha Badbaado Maakhir?

  1. Ibrahim

    Waxaan oranlahaa beesha maxamuud Harti ee ah beel mug wayn oo magac iyo maamuus ku leh gayiga soomaaliyeed shaqsiyaad xamar lagasoo diray yay shido iyo lugooyo idin gelin. Kooxda villa wardhiigley joogtaa afar sano oo ay xukun ka hayeen maalin Sanaad bari ma xasuusan maantoo oo ay lalmadaan oo wakhtigoodii dhamaaday yay idin fidnayn, somalidu waxay dhahdaa nimaan kuu furidoonin yuu kuu rarin, maanta Sanaag bari horumar dhan walba ah ayaa ka jira ciidankii waa la dhisay oo la qalabeeyay noloshii bini adamka oo dhan ayaa wax laga qabtay mashruuca ugu wayn ee Puntland ka socdaa waa wadada ceeldaahir ceerigaabo oo dadka reer Puntland iyo dowladoodu iska kaa shadeen mustaqbal ifaaya ayaa ka muuqda gobol ee yaan la damin. Sanaag bari haysan noqon halka Puntland looga soo dhaco. Waxaa cad kooxdan Farmaajo soo diray inay yihiin hunguri raac waxoogaa lagusoo shubtay ee ka digtoonaada. yay idin lugooyn waa horgalo kuwa Hargaysa oo kale ah. Reer Sanaag Bari haday Puntland wax ka tabanayaan xaq ayay u leeyihiin odayaashii iyo isimadii wax ka dhisay Puntland ayaa jooga madaxdii reer sanaag bari ku matalaysay ayaa jooga ma garan karo kooxdan waxa uga shaqo ah, . Waa arin iska cad kooxdan hunguri raaca ah waxay wadaan balse beelwaynta maxamuud Harti ayay ceeb ku tahay in waxaas oo kale ay ku dhex jiraan.

    Reply
  2. Onkod

    Reer kii baloobaaya tuugay bilaabaan, waxaan oranlahaa Puntland faraha hakala baxdo Warsangeli isaaqa ayay is afyaqaaniine. Waxaa hubaal ah hadii maanta ay SNM ka talin lahayd Badhan kooxdaa Farmaajo soo diray inaysan xitaa hawaysateen inay tagaan Badhan iskaa inay hadlaan. Puntland gobol kaan wax badan ayay ka qabatay sanadiihii u danbeeyay ifafaalo wanaagsan ayaana muuqday oo dhulkii Warsangeli 90 boqol kiiba SNM waa laga nadiifiyay ciidankii reer Sanaag bari waa la dhisay waana cudud xoog leh oo ay Puntland iyo Warsangeli ku faani karaan mashaariic badan ayaa laga hirgeliyay gobol ka markaa kooxdan Farmaajo soo diray ee horgalada ahi maxay rabaan? Ileen Farmaajo iyo villa wardhiigley reer sanaag bari dan uma hayaane xagee u wadaan dadka ay beenta ku akhriyayaan waa in lays waydiiyaa. Waxaa nasiibdaro ah Harti waqooyi in maanta horgaaladii Hargaysa ay kuwo kale oo xamar ka yimi ugu darsameen oo ay noqdeen horgal ma waaye. War bal is waydiiyaa majeerteen waxa ay idinku qabaan oo aad kala tegaysaan, majeerteen waa reerka somali ugu dhulka badan Gaslkacayo ilaa cirifka xaaf uun waa 1000 bari ah iyo 1200 km oo ceeb ah maxay idiinka baahanyihiin. Waxaad moodaa Harti waqooyi inuusan fahmin nolosha dhabta ah iyo gobanimada oo ay rabaan nolosha horgalnimada iyo gunimada.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*