26th July 2024  admin  Category :

Waddooyinka Muqdisho ee loo xiray madaxda maamulada ayaa caro waxaa ka muujiyey dadka qaarkiis oo aan la socon xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho. Waxaa dhab ah in Muqdisho amnigeeda uusan sugneen, waqti kastana ay ka dhici karaan falal amni darro.

Maanta, waxaan la aamini karin xitaa ciidankii amniga sugayey; in badan oo ka mid ahna, waa kuwa la shaqeeysta shayaadiinta afka duuban; Hadaba, waxaa dhab ah in amniga Muqdisho uusan ku taagneen cago badan.

Waxaana ugu danbeeyey falalkii amni darro ee ka dhacay magaalada oo ahaa kuwii ka kalla dhacay hoteelka Elite iyo xabsigii ay ku xirnaayeen argaggixisada. Bal ka waran xabsi banbooyin iyo qoryo loo dusinayo oo ciidankii ay qeeyb ka yihiin?

Ma ahan in aan iska hadalno oo aan niraahno maxaa waddooyinka loogu xiray madaxda maamul goboleedyada, anaga oo og xaqiiqada dhabta ah. Sidoo kalle, dadka qaar ayaa lahaa ma ajnabi baa marka waddooyin loo xirayo madaxda maamulada? Dabcan cid kasta oo madax ka ah dalka oo magaalada imaneeysa waa mid ay tahay in qaab kasta oo amnigooda lagu sugi karo ay tahay in la sammeeyo. Hadaba:

Madaxda waddooyinkeeda Muqdisho loo xiray ma’ahan shisheeye;

Waase maamuladii madaxdooda, Muqdishana waa caasimadooda;

Waa marti sharaf leh oo mudan in la maamuuso;

Doqon baase moogan wacyiga maanta lagu jiro;

Mar hadii Muqdisho amnigeedii uu muran ku jiro, AMISOMna ammaankeedii magan looga yahay;

Maxaa madaxda maamulada amnigooda la sugayo lagu maagayaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*