26th July 2024  admin  Category :

Aqoonyahanada USC iyo SNM, aqoontoodii ma waxay noqotay in qof Soomaaliyeed, degaan Soomaaliyeed, madax Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Beesha Daarood oo taariikh ku leh ama ku lahaa  dhulka Soomaaliyeed  in la canbaareyo, la ceebeeyo ama la bililiqaysto suugaantiisii, aqoontiisii iyo taariikhdiisii dhaxal galka u ahayd uu ka tegay ama mararka qaarkood la siiyo taariikhdaas gumaystihii Soomaaliya u yimid inay gumaystaan .

Qarniyo badan Beesha Daarood sida beelaha kale ee  Soomaaliyeed  waxay ku noolaayeen geeska Afrika, dhexdooda waxa ka dhashay dad wanaagsan sida  hogaamiye daacad ah , Sheekh diinta  Islaamka gaarsiiyey geeska Africa inteeda  kale  , Isim Caadil ah, Darwiish xornimo doon ah, abwaano gabayo taariikhiya ka tegay, Halka ay dhinac kalena  ay ka dhex dhasheen kuwo taariikh madow leh

Maanta aqoonyahanada ka soo jeeda  beelaha Isaaq iyo Hawiye, intooda badani waxay sameeyeen intii burburka ka danbaysay  ama hadda faraha kula jiraan inay qoraan  bawaag marin habaabin ah oo ay ka qoraan  sidii ay u tirtiri lahaayeen taarikh kasta uu lahaa qof ka soo jeeda beesha Daarood. Hadduu ahaa gabayaa waxa ay doonayaan inay muran geliyaan gabayadiisii  oo ay  siiyaan qof kale magaca Gabayga  si ay shaki u geliyaan  muddo danbena meesha looga saaro taariikhdaas. Waa tusaalaha ugu yar

Haddii ay aqoonyahanada Hawiye iyo Isaaq ay doonayaan taariikh ay u sameeyaan beelahooda oo ay awoowayaashood ka gaabiyeen, waxan kula talin lahaun inay ka soo bilaabaan taariikhda  1991 ilaa 2018 oo ay qoraan taariikhdaas.

Maanta Soomaali waxa ugu lacagta badan xaqiiqdii si kastaba lacagtaas   ha ku heleen waa USC iyo SNM, dagaalada ugu badan ee  la qaaday 1991 ilaa 2018  waxa qaaday waa USC IYO SNM. Dhulka la qabsaday ama la bililiqaystay waxa qabsaday ama bililiqaystay waa USC iyo SNM. Dadka xooloohoodii la dhacay degaankoodiina xoog lagu haysto ilaa maanta  waa Daarood. Siyaasiyiinta Waqooyiga Soomaaliya  iyo Koonfur Soomaaliya  wax u yeeriya beelaha kale ee Soomaaliyeed waa   USC iyo SNM. Hadaba inta aqoonyahanada  Isaaq iyo Hawiye ku mashquulsan yihiin titirida taariikh dhowr qarni ah oo ay lahaayeen beeshaDaarood, waxa uga fiicaan inay wax ka qoraan tan qurxuxda badan oo ay goob joog ka  yihiin 1991 -2018.

Ugu danbayntii in maanta dad badani ay  aaminsan yihiin in  Muuse Biixi oo Gacan ku dhiigle ah inuu yahay  Mujaahid , halka macalinkii Daarood ee Hargaysa Dugsiga hoose  ka dhigayey 1988  ee xaq darada lagu dilayna uu isagu  ahaa  Faqash waa taariikhda la doonayaa in la samaysto

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*