23rd January 2025 admin Category :
Aqoonyahanada USC iyo SNM, aqoontoodii ma waxay noqotay in qof Soomaaliyeed, degaan Soomaaliyeed, madax Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Beesha Daarood oo taariikh ku leh ama ku lahaa dhulka Soomaaliyeed in la canbaareyo, la ceebeeyo ama la bililiqaysto suugaantiisii, aqoontiisii iyo taariikhdiisii dhaxal galka u ahayd uu ka tegay ama mararka qaarkood la siiyo taariikhdaas gumaystihii Soomaaliya u yimid inay gumaystaan .
Qarniyo badan Beesha Daarood sida beelaha kale ee Soomaaliyeed waxay ku noolaayeen geeska Afrika, dhexdooda waxa ka dhashay dad wanaagsan sida hogaamiye daacad ah , Sheekh diinta Islaamka gaarsiiyey geeska Africa inteeda kale , Isim Caadil ah, Darwiish xornimo doon ah, abwaano gabayo taariikhiya ka tegay, Halka ay dhinac kalena ay ka dhex dhasheen kuwo taariikh madow leh
Maanta aqoonyahanada ka soo jeeda beelaha Isaaq iyo Hawiye, intooda badani waxay sameeyeen intii burburka ka danbaysay ama hadda faraha kula jiraan inay qoraan bawaag marin habaabin ah oo ay ka qoraan sidii ay u tirtiri lahaayeen taarikh kasta uu lahaa qof ka soo jeeda beesha Daarood. Hadduu ahaa gabayaa waxa ay doonayaan inay muran geliyaan gabayadiisii oo ay siiyaan qof kale magaca Gabayga si ay shaki u geliyaan muddo danbena meesha looga saaro taariikhdaas. Waa tusaalaha ugu yar
Haddii ay aqoonyahanada Hawiye iyo Isaaq ay doonayaan taariikh ay u sameeyaan beelahooda oo ay awoowayaashood ka gaabiyeen, waxan kula talin lahaun inay ka soo bilaabaan taariikhda 1991 ilaa 2018 oo ay qoraan taariikhdaas.
Maanta Soomaali waxa ugu lacagta badan xaqiiqdii si kastaba lacagtaas ha ku heleen waa USC iyo SNM, dagaalada ugu badan ee la qaaday 1991 ilaa 2018 waxa qaaday waa USC IYO SNM. Dhulka la qabsaday ama la bililiqaystay waxa qabsaday ama bililiqaystay waa USC iyo SNM. Dadka xooloohoodii la dhacay degaankoodiina xoog lagu haysto ilaa maanta waa Daarood. Siyaasiyiinta Waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfur Soomaaliya wax u yeeriya beelaha kale ee Soomaaliyeed waa USC iyo SNM. Hadaba inta aqoonyahanada Isaaq iyo Hawiye ku mashquulsan yihiin titirida taariikh dhowr qarni ah oo ay lahaayeen beeshaDaarood, waxa uga fiicaan inay wax ka qoraan tan qurxuxda badan oo ay goob joog ka yihiin 1991 -2018.
Ugu danbayntii in maanta dad badani ay aaminsan yihiin in Muuse Biixi oo Gacan ku dhiigle ah inuu yahay Mujaahid , halka macalinkii Daarood ee Hargaysa Dugsiga hoose ka dhigayey 1988 ee xaq darada lagu dilayna uu isagu ahaa Faqash waa taariikhda la doonayaa in la samaysto
ALLSANAAG.COM