16th September 2024  admin  Category :

Muqdisho iyo Hargaysa ma maamul kale oo ay beesha Daarood yeelato ayeey diyaar yihin mise waxa jira wax qarsoon oo aan soo shaac bixin,

Markii hore ee uu madaxweyne Xasan Culusoow dalka hogaaminayey oo ay socotay maamul u samayntiii maamulka Jubbaland , isaga iyo kooxdiisa Damuljadiid iyo siyaasiyinta Beesha Isaaq ee ka mid ah dawlada Federalka , waxay kaga hor yimaadeen maamul u samayntas Jubbaland diidmo qayaxan iyo in intii karaankooda ah ay hor istagaan,

Dhacdooyinka aan la ilaawi karin ee ay ku kaceen Madaxweyne Culusoow iyo kooxdiisu waxa ka mid ahaa tii saaxibkood Bare Hiraale, oo la mid ah halka uu maanta uu u joogo Gudoomiyha labaad ee aqalka sare Cabdulahi Tima cade,

Bare Hiraale inta loo soo hubeyey reer ahaan ayaa dhulka la mariyey si uu halkaas dagaal uga rido si uu fashiliyo maamul u sa.maynra, markii uu ku fashilmay inuu Kismaayo qabsado ayaa hadana isaga oo hubaysan Badda la mariyey, markaasna wuu fashilmay .Markii ugu danbaysay inta diyaarad la saaray ayaa cirka la mariyey, intaas oo dhan waxa lagu kharash garaynayey deeqihii caalamka ee laga cuna qabateyey gobolada Sanaag iyo Sool. Waxaas oo dhan waxa loo samaynayey waxay ku shegen Xasan Xaad iyo Kooxdisu ” dad Doonyo ku yimid ayaa degaan Hawiye maamul ka samaysanaya”

Hadda maxaa is bedelay?

XĂ afadda Buula xubeey ee xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho oo ah wadnaha ururka Hawiye Action Group,, meel aan ka fogayn Guriga Suudi Yalaxoow, ayaa koox. Ka soo jeeda beesha Warsangeli waxay sheegeen in shir ku leeyihiin , shirkas oo ah maamul loogu samaynayo Sanaag iyo Sool,

Halka Jubaland oo dhowr Boqol oo km Muqdisho u jirta hub logu daabulayey si ayna beesha Darood labo maamul u yeelan’ ayaa kan Muqdisho ka socda iskadaa in laga hor yimadee xitaa kharashka waxa bixinaya ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Hawiye, Waxa jirta lacag yar oo ay bixiyeen qurba joog ka so jeda beshas oo loogu talo galay in dadka degaanka lagu kiciyo

ka jira Muqdisho oo aan sugi jirin qof Daarod ah oo warbaahinta ka hadla qofna Uma jawaabin.

Maalin ka hor Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Cabdulaahi Timacade, wuxu shegay In Sool iyo Sanaag ay maamu wada samaynayaan . Xasan xaad, San balooshe iyo kooxahii tirada badanaa ee ka jiray Muqdisho, ma jirin qof u jawaabay

Maxaa qarsoon ee la saadaalin karaa?

Siyasiyiinta beesha Dhulbahante ee dawladda ka tirsan wax badan ayeey ogyihin oo ay hoosta kala socdaan siyaasiyiinta Isaaq iyo Hawiye, halka beesha Warsangeli hal qof iyo labo waxaan ka badnayn ay arinta la socdaan , inta kale waxba kama oga howlaha socda oo waxay la jidbaysan yihiin waa waxay ka maqleen Youtubelayda iyo kuwa dadka ka qosllisiya oo shilimo ku how gala, dhaqan suubana aan lahayn.

Ugu danbayntii madaxweyne Culusoow, Gudoomiye Tima cade iyo Raysal wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac , waxaY heshiis ku yihiin waa in Soomaali wax u qaybsato Waqooyi iyo Koonfur, oo maamulka Puntland meesha ka baxo. Siyasiyinta beesha Dhulbahante si kalsooni ay beshooda dhexdeda uga helaan oo uga iibiyaan Waqooyi iyo konfur waxa l loo msgcaabay safiiro iyo xilal badan , halka kuwa beesha Warsangeli shilimo lagu siiyey in laba qof oo walaalo ah midna Hargaysa la hoos geeyo midna Muqdisho. Siyaasiyinta Culusoow’ Saalax iyo Tima cade midba beeshiisa lama kala qaybinayo

Allsanaag

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*