22nd December 2024 admin Category :
Madaxweeynaha Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa booqasho ku tagay dalka Guinea Conakry. Dalkan ayaa ku yaal galbeedka qaarada Afirka, horeyna wax xiriir ah ugama dhaxeen Soomaaliya iyo iyaga.
Inta badan marka siyaasiyiinta Hargeeysa ay la kulmaan qof wadan kalle wasiir ka ah ama madaxweeyne ka ah, waxaa shacabka masaakiinta ah loo sheegaa in aqoonsigii uu soo dhawyahay.
Balse xaqiiqda dhabta ah ee ku aadan booqashada Muuse Biixi ee dalka Gini Konaakiri ( Guinea Conakry) ayaa ah sidii dawladda Gini ay ugu fududeen laheed maamulka Hargeeysa sidii ay isugu xiri laheed shirkadaha macdanta ka qoda dalkeeda iyo maamul goboleedka Hargeeysa si ay u qodaan macdanta ku jirta gobolka Sanaag si tuugeeysi ah.
Qof kasta oo caafimaad qaba wuu dareemi karaa waxa dalka Gini uu ku soo kordhin karo maamulka Hargeeysa ineey tahay mid iska yar. Dalka Gini waa dal faqiir ah, balse leh qeeyraad dabiici ah, dalkaas siyaasad ahaan waa dal aan daganeen, musuqmaasuquna uu ku badan yahay, mana jirto isla xisaabtan, waxaa ka dhacay marar badan doorashooyin oo dib loo dhigo si waqtiga loo dheereeysto iyo caburin.
Hadaba, Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa laga war sugayaa sida ay uga fal celiso booqashada madaxweeynaha maamul goboleedka Hargeeysa uu ku tagay dalka Gini Konaakiri si macadanta dalka looga gurto si tuugeeysi ah, iyadoo la keenayo shirkaddo maafiyo ah.
QAAR KA MID AH WARGEEYSYADA OO WAX KA QORAY MUSUQMAASUQA YAAL DALKA GINI KONAAKIRI
https://www.economist.com/business/2014/12/04/crying-foul-in-guinea
https://www.theguardian.com/world/2013/jul/30/africa-guinea-mining-bsgr-steinmetz
BOOQASHADAA BIIXI EE GINI KONAAKARI AYAA DAD BADAN OO DEEGAANADAAS KA MID AH WAXEEY U ARKAAN IN AQOONSIGII LA HELAY, BALSE SHEEKADU SIDAAS MA AHAN.