26th July 2024  admin  Category :

Sanaag: Maamulka Puntland ayaa ku fashilmay boqolkiiba boqol ineey wax ka qabtaan shayaadiinta afka duuban ee ku sugan gobolka Sanaag. Waxaa soo baxayey warar sheegaya in kooxda shayaadiinta ah ay qabsadeen deegaano u dhaw Laasqoray,  iyagoona argaggixisadaa iskaga dhex taxtaxaashaya deegaanka, una kalla gooshaya hadba dhinaca ay doonaan, ayaa waxa ay muujineeysa sida Puntland aysan daacad uga aheen arrimaha gobolka Sanaag.

Muqdisho: Oday 80 jir ah, oo ku nool magaalada Muqdisho, ayaa ah nin la soo baxa nolol maalmeedkiisa, isagoona isticmaala gaari dameer. Odaygan, ayaa sheegay in uu aad u neceb yahay tuugsi iyo baryada bani’aadamka, xittaa ma doonayo ayuu yiri in carruurteeda aan dhibo oo aan wax weeydiisto, wuxuuna door biday in naftiisa uu dabaro.

Hase ahaatee, Soomaali badan oo xoog leh, da’doodana ay yartahay ayaa doorbiday ineey ku noollaadaan shaxaad, meesha qaar kalle oo badana ay doorbideen in hantida shacabka ay dhacaan oo carruurtooda ay ka dharjiyaan xaaraan, balse iyagu waxeey isku arkaan in dadka ay ugu caqli badan yihiin maadaama ay dhaceeyn hantida shacabka.

Moscow: Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ku soo warameeyso, Madaxweeynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay ineeysan jirin wax danbi ah oo uu galay wiilka uu dhalay musharaxa madaxweeynaha Mareeykanka kaas oo lagu magacaabo Hunter Biden. Hadaba, arrintan ayaa timid kadib markii Trump uu ku eedeeyey wiilka Biden in uu lacago si musuqmaasuq ah uga sammeeyey dalalka Ukraine iyo Russia.

Putin oo hada ka hor ammaanay Trump, ayaa markan sheegay in cid kasta oo madaxweeyne ka noqota dalka Mareeykanka ay la shaqeeyn doonaan. Waxeeyna u muuqataa in Putin uu soo dhaweeynayo Biden maadaama Trump ay u egtahay inuu daaqada ka bixi doono doorashada dhici doonta Nov 3.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*