9th February 2023  admin  Category :

Jowhar: Waxaa si habsami leh u socota doorashada Aqalka Sare ee Hirshabele. Hadaba doorashadii maanta waxaa ku soo baxay Dr: Cusmaan Dufle, meesha Tarsan oo la filayey inuu ku soo bixi doono tartanka kursiga uu ku haray wareegii koowaad. Maalinta berri ah oo ay Khamiis tahay ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo doorashada aqalka sare. Si kastaba ha ahaato, doorashada Hirshabele ayaa noqotay middii ugu caddaladsaneed doorashooyinkii ka dhacday guud ahaan dalka, meesha Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ahaayeen kuwo aan caddalad shaqo ku laheeyn oo loo xiray dad gaar ah.

Neeyroobi : Waxaa magaalada Neeyroobi ee dalka Keenya ku soo badanaya afduubka loo geeysanayo dadka ka soo jeeda Soomaalida ha noqdeeyn kuwa Kenya ku dhashay ama kuwa ka yimid dalka Soomaaliya. Hadaba waxaa shalay lagu afduubtay magaalada Neeyroobi nin sarkaal ciidan ah oo asalkiisa uu yahay Soomaali. Ninkan ayaa markii la afduubtay marayey dariiqa waxaana gaarigii uu saarnaa lagu hor jaray gaari kalle, gaarigii kalle ayaa waxaa ka soo degay afar nin oo hubeeysan sidaa ayaana lagu afduubtay.

Beledweeyn : Magaalada Beledweeyn waxaa ku soo batay carruurta looga tagayo dariiqyada, gaar ahaan habbeenkii. Booliiska magaalada ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii carruur meel uga tagto, waxeeyna sheegeeyn in qofka cunnug meel uga tago uu la mid yahay isaga oo dilay.

Muqdisho : Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa shaqadii dalka uu hayey waxa uu uga weecday arrinta Ikraan, balse ummadda Soomaaliyeed waxeey qabaan in ra’iisal wasaaraha uu u daayo shaqada Ikraan hay’adaha ku shaqada leh, isagana uu xoogga saaro doorashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*