26th July 2024  admin  Category :

Koonfur Afrika: Ra’iisal Wasaaraha dalka Eswatini (Swaziland ) Ambrose Dlamini, ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday dalka Koonfurta Afrika. Ra’iisal wasaaraha ayaa loo qaaday horaantii bishii December dalka Koonfurta Afrika kadib markii uu ku dhacay xannuunka Covid 19.  

Mandatory Credit: Photo by Lukasz Kalinowski/Shutterstock (10012491by) Ambrose Mandvulo Dlamini, Prime Minister of Eswatini COP24 climate change summit, Katowice, Poland – 03 Dec 2018

Muqdisho: Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cabasho u gudbisay Urur Goboleedka IGAD; cabashada ayaa timid kadib markii dawladda Kenya ay qaabishay hoggaamiyaha gooni goosatada Hargeeysa. Sidoo kalle, waxaa horey u jiray arrinta badda, ciidanka ka jooga gobolada Jubooyinka, iyo gidaarka ay ka dhisayaan xadka Gedo.

Imaaraadka: Fly Dubai ayaa billaabeeysa duullimaadyadii tooska ahaa ee Turkiga iyo Dubai bishan 17keeda sida warbaahinta Bloomberg ay ku soo warameeyso. Duullimaadyada ayaa horey u istaagay kadib markii dawladdaha Turkiga iyo Imaaraadka ay go’aan ku gaareeyn in la hakiyo sababa la xiriira xannuunka Covid 19. Si kastaba ha ahaatee, dawladdaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa waqtiyadii danbe xiriirkooda wuxuu ahaa mid aan fiicneeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*