16th May 2024  admin  Category :

Maanta ma midnimo Soomaaliyeed aya loo baahan yahay mise Mashariic qabyaaladaysan oo dhantaalysa Maskaxda Shacabka Soomaaliyeed,  oo markii horeba sadbursi lagu keenay bay ahayd in la daahfuro. Maanta Soomaali ma waxay u dabal degtaa Jidka Ka baxaya Suuqa Xoolaha ilaa Jowhar. Mise in la raadiyo midnimo Soomaaliyeed si loga hortago daad daansiga iyo damaca dawladda Kenya ay ku doonayaan  degaanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye ee maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan madaxwaynayaasha Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu ku faraxsanyahay billaabashada mashuurcaan oo muhiim u ah qorshaha horumarinta dalka, isaga oo u mahadceliyay dawladda Qatar oo bixinaysa qarashka lagu dhisayo waddooyinka iyo dawladda Turkiga oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha.

https://allsanaag.com/soomaaliya-maaha-inta-u-dhaxaysa-jowhar-iyo-muqdisho/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*