19th March 2024  admin  Category :

Xagee ayeey marayaan mashaariicdii Siilaanyo dhagax dhigay Laasoqray.

Afar Sano ka hor Bishii March, 2014, waxa  si tuugnimo ah magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag ku soo galay   isaga oo Huuriyo wata, oo badda soo maray   Horjoogaha beelaha Isaaq danbiile dagaal Siilaanyo.

Maalintaa uu Gacan ku dhiigle Siilaanyo yimid Laasqoray, wuxuu dhagax dhigay dhowr meelood oo uu sheegay inay Mashaariic ka hirgelinayaan. Sida Warshaddii laasqoray oo ay dib u furayaan, Wadooyin iyo Xaglo toosiye oo ah wasiirka cafimaadka maamulkaas oo isaguna sheegay inay Cisbitaalo ka dhisayaan Magaalada Laasqoray .

Hadaba maxaa ka hirgalay Mashaariicdaa?

Dhagaxii  uu Siilaanyo  dhigay Laasqoray oo ahaa  in Warshad Kaluun laga  dhisayo magaaladaas,   waxa la sheegay in sadex  sano ka dib maalintii Siilaanyo dhagaxa dhigay, inuu dhagaxii weli meesha yaalo oo ay ciidi qarisay

Horgale jidbaysan

Image result for siilaanyo laasqoray

Ninka sawirkiisu kor ka  ka muuqdo,  isaga oo hor boodaya Gacan ku dhiigle  Siilaanyo, kana mid ah horgolayaasha ama Marabbida Gobolka Sanaag  waxa lagu  magcaabaa Cali Buureed wuxuu ku magcaaban yahay wasiirka Kaluumaysiga . Maalintaas Odayaashii degaanka ayaa Horgalahan u sii dhiibay Daynamaddii Ceelka Laasqoray oo aan shaqaynayn. Ilaa maanta waa laga sugayaa Daynamaddii 2014 loo sii dhiibay in la soo hagaajiyo oo ay ku bixi lahayd lacag yari.

Ugu danbayntii Ninka u dhashay reer Laasqoray oo wax ka suga maamulka SNM. Maanta wax uu haysto ayuu waayi doonaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*