27th April 2024  admin  Category :

Rooble oo lakulmay Danjirayaasha Mashaariicda ka wada koomfurta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mohmet Yelmez iyo Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay Tdalka Turkiga.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya.

One thought on “Mashaariicda Koonfurta Soomaaliya

  1. Jirac

    Ha dhisaan dhib maleh koley “Indha cadaa” isbaaro dhigane Laakin waxaa muhiim ah in mashaaricda horu marineed dalka u simanyihiin ee aan la qabyaaladeen dalkoo dhan baa u baahan lakiin caqliga Hawiye iyo Isaaq u maleynmayo inay fahmayaan in dalka la wada leeyahay “intaay Taakeeyayaal, Generation of Isbaaro iyo Generation of Qarax iyo shaatiga shaydaanka u gashanayaan diinteena suuban” Anaku waan u ducaynaynaa in Allah wax fahamsiiyo oo ay fahmaan dhibka ay geysteen inay joojin karaan waayo dalkii oo dhan baa dib u dhacay, dadkii baa Ba’ay, Deegaan kii baa baaba’ay waxayd ahayd maanta Puntland 5 dakedood oo waa weyn leedahay 7 jid oo waaweyn iskuna tashato isagay ku caana maashaa ee waxaa jira dhib u dhac baahsan mamulka 23ka jirsaday sababtii loo dhisayna ahayd in Puntland la nafsi saaro. 1991 kii markii lasoo qaxay ZERO bay ahayd Puntland maba jirin waayo sidaas hada wax kasta oo maal ah oo magaca Somali lagu helo loo galinyo ayaa loo galinayey koonfurta Somalia hada waa waajib Ina wada saaran dhamaanteen dhulka Jamhuuriyada Federaliga ah ee Somalia ka gees ka gees la horumariyo asaageed ka hormarto insha Alaah one day.

    Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*