16th September 2024  admin  Category :

Masar oo golaha amaanka ee QM u sheegtay inay talaabo qaadi doonto haddii ay Itoobiya sii waddo buuxinta biyoxireenka

Masar ayaa sheegtay in dal ahaan ay leedahay xaq ay ku qaadi karto talaabooyinka lagama maarmaanka u ah xaqiijinta bedqabka biyaheeda, sababo la xiriira biyo xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Niil.

Xukuumadda Qaahira ayaa arrintaas ku sheegtay warqad ay u dirtay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo uu qoray wasiirka arrimaha dibadda Dr. Badr Abdelatty.

Wasiirku wuxuu ku sheegay warqadaas loo qoray gudoomiyaha golaha amaanka Axaddii in Masar aysan si buuxda u aqbalin “siyaasaddeeda go’doominta” ee biyaxireenka.

Sida ku xusan waraaqda, 26 Agoosto ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu shaaca ka qaaday “buuxinta 1aad ee heerka 5aad” ee biyoxireenka, iyo hawlgalinta mishiinnada marwaxadaha waaweyn ee 3aad iyo 4aad.

Arrintaas ayaa Masar ka careysiisay, waxayna ku tilmaameen talaabo sharci darro ah oo Itoobiya ay iskeed u qaadday.

Dawladda Masar waxay qoraalka ku xustay in Masar ay “gabi ahaanba ku tiirsan tahay biyaha wabiga Niil”, waxayna ku tilmaantay buuxinta Itoobiya ee biyo xireenka inay taabanayso jiritaankeeda.

Waxay intaa ku dartay in “xukuumadda Masar ay diyaar u tahay inay isticmaasho xaqa difaacidda iyo ilaalinta xuquuqaha iyo danaha dadka Masar si waafaqsan cahdiga Qaramada Midoobay

Abiy Ahmed Ali

Masar ayaa warqadaas aadka u adag u dirtay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka dib markii dhinaca kale ay xiisad ka soo laba kaclaysay geeska Afrika taasoo la xiriirta ciidanka ay doonayso inay Soomaaliya keento.

Keenista ciidanka ayaa daba joogta hesiis milateri oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar.

Laba dayaaradood oo ah kuwa milateriga oo Masar ay leedahay ayaa todobaadkii hore soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo siday saraakiil iyo qalab milateri, laakinse wax sharraxaad ah oo intaa dhaafsiisan lagama bixin.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday tan iyo markii xukuumadda Addis Ababa ay heshiiska isfaham la saxiixatay Somaliland horraantii sannadkan.

Khilaafka biyaha wabiga Niil ee ay isku hayaan Itoobiya iyo Masar ayaa ka billowday 2011-kii webiga Niilka ee Buluuga ah ee ku yaal buuraleyda waqooyi-galbeed ee Itoobiya, halkaas oo 85% ay ka soo qulqulaan biyaha wabiga Niil.

Masar waxa ay sheegtay in Itoobiya ay mashruucan hore u sii waday iyada oo si buuxda “iska indho tireysa” danaha iyo xuquuqda dalalka hoose iyo ammaankooda biyaha.

Waxa kale oo ay ku doodday in 2% hoos u dhaca biyaha wabiga Niil ay keeni karto in ay lumiyaan ku dhawaad 200,000 acres (81,000 hektar) oo ah dhul waraab ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar
Qoraalka sawirka,Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar

Dadaallo dublamaasiyadeed oo lagu doonayay in lagu ogaado sida uu biya-xireenku u shaqeeyo iyo in la go’aamiyo inta ay le’eg tahay biyaha qulqulaya ilaa Suudaan iyo Masar ayaa burburay bishii Disembar ee la soo dhaafay.

Muranka wabiga Niil ayaa laga yaabaa inuu si wanaagsan uga dhex muuqdo Soomaaliya, waxaana taas ka digay Dr Hassan Khannenje, oo ah maamulaha Machadka Horn International Institute for Strategic Studies.

Waxay keeni kartaa in Itoobiya iyo Masar ay ka dhashaan “colaad hoose oo dawladeed” haddii ciidamadoodu ku kulmaan xudduudda Soomaaliya.

Wadahadallo xal lagu raadinayey oo marar badan dhacay ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Horraantii bishii Luulyo ee 2021-kii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa seddexda dal ee Masar, Itoobiya iyo Sudan ugu baaqay in miiska wadaxaajoodka lagu soo laabto, ka dib markii ay shaqayn waayeen dadaallo xal-raadin ahaa.

Mareykanka iyo Midowga Afrika waxay isku dayeen iney dhinacyada muranka uu ka dhaxeeyo ay dhexdhexaadiyaan, balse mira dhal ma noqonin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*