26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur: “Anigu kama mid aheyn dadkii is hor istaagay kulanka”

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada 15-ka ah uu guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ee baarlamaanka saaray ayaa sheegay in isaga lagu soo daray liiska xildhibaanada la sheegay in shirka ay is hortaageen balse uusan joogin kulanka.

Wuxuu intaas ku daray in liiska horraanba lasii diyaariyay.

“Waxaan ku baraarugay uun in baaralamaankii lasoo xiray, bannaanka baan joogay…warqadda soo baxday waxay sheegeysay dadkii is hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay laakiin anigu kama mid aheyn”

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku gacan seydhay xayiraad uu guddoonka ka saaray ka qeybqaadashada shanti fadhi ee baarlamaanka oo soo socota.

Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo nuqul ka mid ah BBC-da la soo gaarsiiyay, ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15-ka xildhibaan.

Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasa yeeshee isla xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxa ay ku eedeeyeen inay ajanda qarsoon ay wateen oo ay donayeen iney meelmariyaan.

Guddoonka baarlamaanka weli kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*