28th March 2024  admin  Category :

Markabkii dhowaan lagu Afduubtay Puntland oo lagu soo bandhigay Boosaaso

Maamulka Punltand ayaa ku soo bandhigay dekeda Boosaaso markabka Arra-13 oo dhowaan dabley hubeysan ay afduubteen balse sii daayeen kadib markii waanwaan ay la galeen oday dhaqameedyo iyo saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.

Markabka Arra-13 ayaa xaaladiisu ay caadi tahay iyadoo shaqaalaha saarnaa markabka ay sheegeen inaysan wax dhibaato ah kala kulmin burcad badeeda afduubatay markabka.

Burcad badeeda afduubatay markabka oo sheegtay inay yihiin kalluumeysato ayaa waxaa ay sheegeen inay u qafaasheen markabka kadib markii lagu dhibaateeyay xeebaha Puntland.

Hase yeeshee ugu dambeyntii markii ay burcad badeeda ay u cadaatay in markabkan xamuulka uu sido uu yahay mid ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin ayaa waxa ay sii daayeen iyagoo sheegay inaysan wax madax furasho ah ka qaadan.

Afduubka markabkan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee markab lagu afduubto xeebaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012. Hoos u dhac weyn ayaa tan iyo xilligaas laga dareemayay xeebaha Soomaaliya kadib markii ilaalo hubeysan la saaray maraakiibta ayna sidoo kale ciidamo dalal badan ka socday ay ilaalo ka noqdeen xeebaha dalka Soomaaliya.

Halkan Hoose ka Daawo.

IMG_4241IMG_4242IMG_4245IMG_4252IMG_4253IMG_4256IMG_4270IMG_4277IMG_4280IMG_4281IMG_4287IMG_4289IMG_4290IMG_4295IMG_4306IMG_4308IMG_4315IMG_4316IMG_4317IMG_4319IMG_4324IMG_4337IMG_4356IMG_4372IMG_4375IMG_4378IMG_4381IMG_4385IMG_4395IMG_4430IMG_4432IMG_4442IMG_4456

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*