7th September 2024  admin  Category :

Wasiirka maaliyadda oo lagu khasbay ka laabashada go’aan uu ku eryey laba agaasime

Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka laabtay warqad uu shalay soo saaray, taas oo shaqada uu kaga  joojinayey Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga wasaaradda maaliyadda.

Wasiir Cilmi, ayaa soo saaray laba waqradood oo ku kala socda labada agaasime, isagoo siiyey digniin, isla markaana faray inay u hoggaansamaan amarrada wasiirka.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa warqadahaan ku muujiyey in laalista go’aankiisii hore ee shaqo ka joojinta ahaa aysan burineyn eedeymihii maamul ee masuuliyiintaan loo soo jeediyey.

“Agaasimaha guud ee dakhliga wasaaradda waxay laalistaan uga dhigan tahay digniin, madaxda wasaaraddu waxay si dhow ula socon doonaan shaqo gudashadiisa iyo fulinta awaamiirta wasiirka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa qoraalkan ku xusay in xisaabiyaha guud loogu cudur daaray inuu ku cusub yahay shaqada wasaaardda, isla markaana ay tahay markii ugu horeysay ee qaladaadka lagu eedeeyey uu ku dhacay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa shalay shaqo joojin deg deg ah ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay u yeereen wasiirka oo ku amreen inuu shaqada ku soo celiyo labada agaasime oo muhiim u ah shaqada wasaaradda, is qabqabsigaan wuxuu imaanayaa iyadoo weli DF aysan bixin mushaarka bishii dhamaatay ee shaqaalaha KMG ah.

Shaqo ka joojinta labada masuul ayaa salka ku haysay amar diido, wada-shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hanaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS, sida lagu yiri warqadii shaqo ka joojinta ee wasiirka ka soo baxday.

“Xisaabiyaha Guud waxa uu si bareer ah ugu sameeyey dib u dhac sabab la’aan ah iyo is hortaag bixinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda. Sidoo kale waxa uu si ula kac ah u damiyey system-kii SFMIS ee ay ku shaqaynayeen Waaxda Canshuuraha barrigu kana xiray,” ayaa lagu yiri warqadii hore ee eedeynta aheyd, shaqadana looga joojiyay Xisaabiyaha Guud.

Masuulka kale eedeyntiisa ayaa lagu yiri, “Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa waxa uu si sifo bareer ah uga horyimid amarka wasiirka, isuna hortaagay wareegtada magacaabista ku meelgaarka ah ee Agaasimaha Canshuuraha Berriga, taasi oo saameyn ku yeelatay awoodii dhaqaale ee dowladda.”

Hoos ka eeg warqadaha shaqada loogu fasaxay labada masuul

https://allsanaag.com/52167-2/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*