26th July 2024  admin  Category :

Askarigii wiilka Carabka ah ku dilay Faransiiska oo dhaqaale ka badan kan qoyska dhiban helay

Lacag ururinta loo sameeyay askariga dilay wiilkii dhowr iyo toban jirka ahaa taas oo rabashadihii ka dhashay ay ku baaheen dalka oo dhan ayaa ka careysiisay siyaasiyiin iyo dadka u ololeeya arrimaha bulshada.

Waxaa bilaabay lacag ururinta Jean Messiha oo hore la taliye ugu soo noqoday Marine Le Pen oo ah siyaasi garab midig.

Siyaasiga garab bidix, David Guiraud, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray, “Waa fariin loo qaadanayo dil Carabta, waxaad noqonee maalqabeen, dowladana way iska daawaneysaa xanuunkan, iyada oo aan waxbana ka oraneyn, iyadoo labo maalmood gudahood ku xirtay ololeeye booliska ku gardarooday”.

Dhinacakale, olole dhaqaale loogu ururinayay qoyska wiilka la dilay, Nahel, ayaa waxyar kabadan 350,000 oo doolar halka qoyska askariga booliska lacagta loo ururiyay ay talaadadii gaartay 1.6 Milyan oo doolar taas oo aad uga badan tan qoyska dhibanaha, waxaana taas ka carooday dad badan oo Faransiis ah.

“Qof kasta dareenkiisa wuu sharaxi karaa kuna deeqi karaa lacag balse waxay ila tahay in tani aysan u socon jihada wax dejinta” ayuu yiri wasiirka caddaaladda Faransiiska Eric Dupond-Moretti.

France

Rabshadaha Faransiiska waxaa sii huriyay takoor joogto ah

Rabshadaha oo ka dhashay dilkii Nahel M. oo 17 jir ahaa asalkiisuna ka soo jeeday Algeria ayaa gilgilay Faransiiska oo dhan. Xasiloonidarada waxaa lagu tilmaamay mid aan hore loo arag.

Magaalada Marseille waxay gashay xaalad aad u adag. Galinka dambe marka la gaaro dadka shaqada degdeg ayey u dhameynayeen ka hor inta aan dukaamada iyo tareenada laga xiran.

Afhayeenada ururada booliska, kuwa falanqeeya sharciga iyo siyaasiyiinta waxay joogto isugu dayayeen inay sharaxaan sababta keentay rabshadaha.

Inkastoo booliska lagu dhaliilay dilka Nahel hadana rabshadihii dhacay kaddib dad badan waxay soo qaateen su’aalihii hore ee la xiriiray socdaalka Faransiiska.

Hadaba side jiilkii saddexaad iyo kii afaraad oo ah Faransiis awoowayaashoodu dalka yimaadeen u dhexgeli waayeen bulshada Faransiiska.

Dadka rabshadaha sameynaya ma oga in waxa ay burburinayaan yihiin hantidooda.

France

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*