16th April 2024  admin  Category :

Mareykanka oo baaq u diray DFS iyo dowlad goboleedyada

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada in ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda.

War-saxaafadeed ka soo baxay safaarada Mareykankan ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku boorinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay dib u soo celiyaan wada shaqeyntoodii, iyagoo kaashanaya beesha caalamka.

Mareykanku waxa uu ka codsaday dowladda federaalka ah Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo saamileyda siyaasada in ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo sidii ay u dhaci lahayd doorasho lagu kalsoonaan karo 2020/2021.

Sidoo kale Mareykanka aya sheegay in uu sii wadayo dadaalkiisa dhexdhexaadinta ee dowladda federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah.

Mareykanku wuxuu tilmaamay in doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedyada ay ahaayeen kuwo aan dhammaystirnayn, balse wuxuu ugu baaqay in ay xoogga saaraan dib-u-heshiisiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*