26th July 2024  admin  Category :

Maraykanka: Raggan ayaa hubka iyo qaraxyada soo geliya Soomaaliya

Bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogay shabakad ka kooban toban qof oo Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay hubka sharci darrada ah soo geliyaan Soomaaliya.

“Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa tallaabo ka qaaday Daacishta Soomaaliya taasoo ah cunaqabateyntii ugu horreysay ee lala beegsado laanta ka tirsan ururka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS),” ayaa lagu yiri bayaanka oo lasoo dhigay bogga internetka ee Wasaaradda Malaayiyadda xukuumadda Washington.

Sida lagu xisay bayaanka, waxa ay tallaabadan daba socotaa cunaqabateyn 17-kii bishii October lagu soo rogay shakhsiyaad lagu sheegay in ay Al-Shabaab u qaabilsan yihiin dhinaca dhaqaalaha iyo soo gelinta hubka, waxaana hadda mar kale la beegsaday shabakad ka shaqeysa kala gudbinta hubka, dadka la shaqeeya iyaga iyo ganacsi xiriir la leh oo fududeeya hubka loo geeyo kooxo badan oo argagixiso ah.

Inta badan cunaqabateynta lala beegsaday maanta ayaa lagu sheegay in ay si gaar ah u iibinayeen hubka ama ay xubno shaqeeya ka yihiin Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in raggan magacyadooda lasoo bandhigayo ay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin kooxda ISIS-Somalia. Shabakaddan ayaa ka howl gasha inta u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya, ayna xiriir adag la leeyihiin kooxda Al-Qaacidada Yemen iyo Al-Shabaab, sida lagu sheegay war saxaafadeed-ka.

hubka

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn saartay qof taageera kooxda ISIS oo ku sugan dalka Brazil, kaasoo isku dayay in uu wadashaqeyn la sameeyo kooxda “argagixisada” ah.

Ragga magacyadooda lasoo bandhigay ee cunaqabateynta maanta lagu soo rogay ayaa kala ah:

1.      Liibaan Yuusuf Maxamed

Maraykanka ayaa sheegay in Liibaan uu ka tirsanaan jiray Amniyaadka Al-Shabaab, hadda se uu yahay ganacsade si rasmi ah ugu shaqeeya ururka Daacish ee Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamay in shirkaddiisa Liibaan General Trading Co uu lacago u marsiiyay ururkaas. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Liibaan uu kamid yahay kooxaha sida sharci darrada ah hubka ku soo geliya dalka. Maraykanka ayaa u haysta inuu taageero muuqata u fidiyay ururka Daacish ee Soomaaliya.

2.      Cabdiraxmaan Maxamed Cumar

Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ku sheegtay inuu yahay xubin ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya, isla markaana hubka u keena dagaalyahannadaas. Waxaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay ragga ugu awoodda badan ee hubka sharci darrada ah soo geliya Puntland, isla markaana lacag ka badan 2 milyan oo dollar ku kharash gareeyay muddo afar sano ah. Waxaa lagu eedeeyay in sidoo kale uu hub u soo iibiyay Al-Shabaab, uuna si dhaw ula shaqeeyay Sayf Cabdulrab Saalaim al-Xayashi oo gacan-saar la leh Al-Qaacidada Yemen. Maraykanka ayaa ninkan u haysta inuu Soomaaliya soo geliyo hub ay kamid yihiin walxaha qaraxyada laga sameeyo.

3.      Mahad Ciise Aadan

Maraykanka ayaa tilmaamay in Mahad uu hub u soo dhoofiyay Daacish iyo Shabaab labaduba, isla markaana uu muddadii u dhexaysay 2015 ilaa 2020 uu Yemen u diray lacag ku dhaw 800,000 oo dollar. Waxaa sidoo loo haystaa inuu hubka ka keeno Yemen iyo Iran. Waxaa la sheegay in lacag uu ka qaaday ganacsatada Boosaaso uu hub ugu soo iibiyay Daacish.

4.      Ciise Maxamuud Yuusuf

Ninkan ayuu Maraykanku ku tilmaamay fududeeyaha hubka iyo saadka ee Daacishta Soomaaliya u fadhiga gobolka Bari. Waxaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay shabakad leh gadiidka badda oo hubka ka keenta Yemen. Waxaa lagu tilmaamay inuu qaraabo la yahay hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin. Waxaa kale oo loo haystaa inuu Soomaaliya soo geliyay xubno ka tirsan Daacishta Bariga Dhexe, kuwaas oo garabka Soomaaliya ku biiriyay khibrad. Ciise ayuu Maraykanku sheegay inuu kamid ahaa hogaamiyayaashii burcad badeedda.

5.      Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud

Waxaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay madaxda Daacishta Soomaaliya, uuna toos uga amar qaato Cabduqaadir Muumin. Maraykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso 23-kii May 2017, kaasoo ahaa qarax lagu bartilmaameedsaday bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen shan ruux.

Maraykanka ayaa ninkan u haysta inuu diyaariyo weerarrada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Faahiye u uku guulaystay in bil qura ah uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasoo mushaar ahaan loo siiyay dagaalyahannada ururkaas.

6.      Maxamed Axmed Qaxiye

Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay madaxa amniyaadka Daacishta Soomaaliya. Maraykanka ayaa sheegay in Qaxiye iyo Muumin ay horraantii 2020 la kulmeen muwaadiniin Iran u dhalatay oo siiyay lacag ka badan 10,000 oo dollar.

7.      Axmed Xaaji Cali Xaaji Cumar

Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa sheegtay in Axmed Xaaji uu bartimihii 2019 ahaa taliye Daacish u qaabilsan gudbinta hubka ee Bari. Waxaa lagu tilmaamay inuu muhiim u yahay ururkaas, kana mid yahay haykalka hogaaminta.

8. Osama Abdelmongy Abdalla Barr

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Mareyknaka, sanadkii 2016, hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan ISIS ayaa isku dayo badan u sameeyay in ay helaan ilo ay kasoo galaan hubka iyo  taageerada. Madaxda ISIS ayaa markaas amar ku siiyay Osama Abdelmongy Abdalla Bakr (Bakr) in uu xiriir la sameeyo kooxda “Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee dadka Kuuriya” oo magaceeda loo soo gaabiyo (DPRK).

Qaraxyadii Soobe

Bakr waxa uu awaamiirta si toos ah uga qaadanayay hoggaamiyaha ISIS, waxaana la siiyay ku dhawaad $30,000 oo uu ka helay madaxda ISIS si ay howlihiisa ugu taageeraan.

Bakr waxa uu marar badan damcay inuu la kulmo shaqaalaha safaaradda DPRK ee Brazil, , isagoo doonayay in uu kooxda ISIS uga iibiyo hubka fudud iyo tiknoolojiyadda lagula dagaallamo diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka.

Hase yeeshee, Mareykanku waxa uu sheegay in ISIS aysan DPRK ka helin hubka fudud iyo tiknoolojiyadda lagula dagaallamo diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka.

Waxaa kale oo bayaanka Maraykanka lagu sheegay in “kooxaha argagixisada ah” ay sii wadaan qalalaasaha ay ka geystaan Soomaaliya, iyagoo beegsanaya shacabka Soomaalida, shaqaalaha dowladda, ayna yihiin kuwa ugu horreeya ee cabsida abuura.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan dadka eheladooda ku waayay ama uga dhaawacmeen qaraxyadii naxdinta lahaa ee Sabtidii dhacay, waxaana cambaareyneynaa falka argagixisannimo ee aan marmarsiiyada lahayn,” ayuu yiri Brian E. Nelson, oo ah xog hayaha Wasaaradda Maaliyadda ee dhinaca sirdoonka arrimaha argagixisada.

“Maanta waxaan si toos ah u bartilmaameedsaneynaa shabakadaha maalgeliya isla markaana u adeega ISIS-Somalia iyo Al-Shabaab labadaba, kuwaasoo ka taageera falalkooda qalalaasaha ah. Dambiyada kale ee ay ku lug leeyihiin kuwa maanta cunaqabateynta la saaray, oo ay ku jiraan burcad badeednimo iyo kalluumeysi sharci darro ah, waxay muujinayaan inta uu la egyahay ku milanka ay Daacishta Soomaaliya ku milmeen shabakadaha sharci darrada ku shaqeeya iyo ururrada kale ee argagixisada ah ee ka howl gala gobolka. Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay kala shaqeyso saaxiibbadeeda gobolka sidii loo burburin lahaa ilaha dhaqaale ee Daacishta Soomaaliya iyo Al-Shabaab,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mareykanka ayaa sheegay in Daacishta Soomaaliya, oo uu hoggaankeeda hayay nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Muumin, ay bishii October ee sanadkii 2015 ku biirtay kooxda ISIS, ayna howlgalladooda ka fuliyaan deegaannada Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Daacishta Soomaaliya liiska argagixisada ku dartay sanadkii 2018, halka Muumin, oo hora yuga tirsanaan jiray madaxda Al-Shabaab liiskaas lagu daray sanadkii 2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*