20th September 2024  admin  Category :

Maraykanka oo safiir cusub u magcaabay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magcaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada.

Richard H. Riley ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*