29th March 2024  admin  Category :

Labo sano ka hor  reer Muqdisho waxay ku doodayeen  iyaga oo diidan Federaalnimada   Federaalkee qaadanay, ma federaalka  Germeny. ma kan Canada mise kan Marykanka.  Maantana waxay ku doodayaan iyaga oo doonaya in Muqdisho caasimad Soomaaliyeed  sii ahaato maqaamkee qaadanaa,   ma maqaamka Caasimadda dawladda federaalka Canada ee Otowa ayaan qaadanaa mise maqaamka Caasimadda Maraykanka ee Washington DC.

Washington, D.C.,oo la yaqaan  District of Columbia lama mid aha caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho. Sababtoo ah dadka ugu badn ee ku nool magaaladaas Washington  waa Dadka madow ee Maraykanka, weligoodna lagama maqal Washington angaa leh, barakicin iyo xasuuqna kuma samayn umadihii kale ee magaaladaas  kula noolaa . sidaas awgeed maaha in umadda Soomaaliyeed la marin habaabiyo oo jihada laga weeciyo. Su’aasha maanta u baahan in laga doodo ayaa waxay tahay  Soomaaliya magaaldee u noqon karta magaalo madax haddii ay Muqdisho  noqon wayday caasimad Soomaaliyeed.

Sidoo kale waa khalad iyo sharci daro  in  wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya ay shir u qabato oo qura  beesha Hawiye iyaga oo ka doodaya maqaamka Muqdisho yeelanayso. Halka inta badan umadda Soomaaliyeed ay doonayaan in Caasimadda Soomaaliya laga dhigo magaalo kale ee Soomaaliyeed, Sida caasimadda dalka  Baraasiil oo horay u ahaan jirtay Rio de Janeiro loona raray Brasilia, Caasimadda Nigera oo horay u ahayd Lagos oo loo raray Abuja, caasimadda dalka  Kazakhstan oo markii xornimada qaateen 1991 noqotay Almaty, waxa loo raray Astana,  caasimadda dalka Belize horay waxay u ahayd Belize City,waxaana loo raray Belmopan, caasimadda dalka Tansaaniya horay waxay u ahayd Dar es Salaam waxaana loo raray Dodoma, caasimadda Burma horay waxay u ahayd Rangoon. , waxa loo loo raray Naypyidaw, caasimadda Saldanada Maakhir qarniyo waxay ahayd Xubeera markii danbe sida sababta Belise looga raray caasimadda o ay ahayd duufaan ku dhufatay magaaladaas ayaa saldana Maakhirna loo raray Hadaaftimo.In 1961, Hurricane Hattie badly damaged Belize City, the former capital of Belize.

Aqoon Iswaydaarsi ku Saabsan Maqaamka Caasimadaha Federaalka ee Dunida oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*