26th July 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii Beelaha Hawiye oo Muqdisho loo qaaday

Maleeshiyo beeleedka HARAMCAD oo ku mushahaar qaat a ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa laga daadgureeyay magaalada Dhuusamareeb iyagoo dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Malashiyaadkan beelaha Hawiye ee aadka u hubaysan aya la sheegay inay tiradooda ku dhawdahay 200 oo askari, ayaa ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dalab uu ka yimid madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi shuruud ka dhigay bixitaanka ciidamada si ay kaga soo qayb galaan shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb .

Ammaanka magaalada Dhuusanareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda dowlad gonoleedyada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*