23rd October 2024  admin  Category :

Khayre oo Maleeshiyaadka Beesha Cayr ee Habar gidir ee mar hoos iman jiray Daahir Aweys mushahaar iyo agabka ciidan u bilaabaya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Malayshida kooxda Ahlusunna ee ka talisa magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka magac ahaan si mushahaar iyo taageero loogu bilaabo.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta kooxda Ahlusunna iyo taliyaasha ciidamada dawladda Federaalka ayaa khudba u jeediyay Malayshida waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin.

Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*