26th July 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii Beelaha Hawiye oo ku noqday  Isbaarooyinkii ay Muqdisho hore ugu lahaayeen.

Maleeshiyaadkii beelaha Hawiye ee sideedii sano ee  ugu danbaysay loogu yeeri jiray Ciidanka qaranka Soomaaliyeed, ayaa dib ugu laabtay Isbaaro beeleedkii ay horay ugu lahaayeen magaalada Muqdisho,

Maleshiyaad aad u hubeesan , ayna ka muuqato in lasoo abaabulay  ayaa xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, maleeshiyaadkan  ayana gaadiidka kala duwan u diiday in ay maraan wadooyinka u xiran.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan oo wata gaadiidka dagalaka iyo hub badan ay isugu soo baxeen Wadooyinka Muqdisho qaarkood.

Maleeshiyaadkan beesha Hawiye,  ayaa xiray Wadada KM-4 ilaa Isgooska Banaadir, waxa ay sidoo kale ciidamada gaadiidkooda dagaalka iyo dhagxaan ku xireen wadooyin kale oo kuyaala magaalada Muqdisho oo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Khuburo ay la hadashay Watbaahinta  ayaa sheegay inay arintani ay la mid tahay tii Faroole uu ka sameeyey magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, ayna Ciidanka soo abaabuleen Kooxda Damul Jadiid ee Xasan Sheekh iyagoo ka leh Qaskan iyo Qalalaasahan dano Siyaasadeed oo u gaar ah
234-4

234-4a

234-4a1

234-4a2

234-4a3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*