27th July 2024  admin  Category :

Puntland oo Gaalkacyo kusoo Bandhigtay Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo dagaalka Gaalkacyo lagu qabtay

Dowladda Puntland ayaa  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kusoo bandhigtay askar katirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo la doonayay in loo adeegsado colaada magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen sraaakii u hadlay Puntland.

Wasiirka deegaankaPuntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay askartaan oo hubkooda wata inay gacantooda isugusoo dhiibeen dowladda Puntland, kadib markii ay arkeen in loo adeegsan rabo dagaalka loogasoo horjeedo Puntland iyo shacabkeeda.

Qaar kamid ah ciidanka hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA oo oo maanta warbaahinta lahadlay xilli ay isu soodhiibeen dowladda Puntland ayaa kahadlay qaabkii Galkacyo loo keenay.

Qaar kamid ah saraakiisha NISA ayaa sheegay in laga kala keenay deegaamada gobolka Galgaduud looguna sheekeeyey inay ka qaybqaadan doonaan daminta colaad beeleed kajirta duleedka Galkacyo, haseyeeshee markii ay Galkacyo yimaadeen loosheegay inay ka qaybqaataan dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Saraakiishaani ayaa sheegay in ciidankii NISA ee Cadaado Joogay ay ka qayb qaateen Dagaalka Gaalkacyo, Waxaana ay sheegeen in ay go’aan qaateen Maadaama aysan hayn shaqadii loo Igmaday, aysanna Doonayn inay ku biiraan Colaadda ka aloosan Gaalkacyo.

14625248_1504617609555179_1265983789_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*