26th December 2024 admin Category :
Mahad Garaad: Wax ka ogoow noloshii dhakhtarka ku dhibaateysan Libiya kahor inta uusan tahriibin
Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalka Dr Mahad Garaad Xassan oo jirkiisu ay ka muuqdaan dhaawacyo daran iyo rafaadka uu kala kulmay magafayaal ku heysta Liibiya.
Muuqaal ay ka soo duubeen dhaqtarka ayuu ku dalbaday in umadda Soomaaliyeed ay ugu gurmadaan sidii ay uga sii deyn lahaayeen magafayaasha kuwaas oo madax furasho ahaan uga dalbaday lacag gaareysa {Shan iyo toban kun oo Doolar} $.15,000.
‘’Waxaan ahay wiil Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan dalka Liibiya muddo shan bilood ah waa la idilaa, waa la igaraacaa, gacanta waan ka jabanahay, koronto ayaa la igu qabtaa, reerkeyga waa iska danyar waxba ma heystaan waxaa la iga doonayaa lacag shan iyo toban kun oo doolar ah in aad i caawisaan oo Soomaalinimo igu caawisaan oo meesha iga saartaan ayaan u baahanahay,’’ ayuu yiri dhakhtarka oo muuqaal looga dhexduubay meel darbi bulukeeti ah uu ka dhisanyahay gacantiisuna ay shakaalantahay.
Sidoo kale waxa uu codsi gaar ah u diray siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda ku matala si ay kaalin uga geystaan sidii uu uga soo bixin lahaa gacanta magafayaasha.
Xaxaan ka naqaan noloshiisii digtoor Mahad ka hor inta uusan tahriibin
Sida aan ka soo xiganay Yaxye Suudi Nageeye oo BBC-da wareysi siiyay ayaa inoo sheegay in ay isku guri deganaayeen dhaktarka uuna kamid yahay dadka ay aadka isugu dhawaayeen sidoo kalena uu waxbadan ka yaqaan taariikhdiisa iyo qoyskiisa intaba waxa uu sheegay in Dhakhtar Mahad Garaad Xassan uu ka soo jeedo qoys reer miyi danyar ah, sanad kahorna ayay dhimatay hooyadiis.
“Qoyskiisu waxa ay ka koobanyihiin 8-qof oo uu Mahad kujiro waana curadka reerkaas, waxa uu ku dhashay magaalada Beledweyne halkaas oo uu ku bilaabay waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka iyo iskuulka, intaa kadib waxa uu yimid magaalada muqdisho si safarkiisa waxbarashada halkaa uga sii wato, markii uu dhameeyay dugsigii sare ayuu bilaabay heerka koowaad ee waxbarashada sare oo uu ka bilaabay mid kamid ah jaamacadaha Muqdisho ku yaal, isagoona bartay culuum la xiriirta caafimaadka gaar ahaan ‘’Medicine‘’, ayuu yiri Yaxye.
“Intii uu ku gudajiray waxbarashadiisa jaamacadda waxaa u suurtagashay inuu si bilaash ah ula shaqeeyo qaar kamid ah isbitaalada ku yaal Muqdisho, kadib jaamacadiisii ayuu si rasmi ah u shaqo bilaabay, isagoona ahaa dhakhtarka cudurrada haweenka, waxa uu ka tirsanaa ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed.”
Safarkiisii Muqdisho ilaa Liibiya
Yaxye Suudi Nageeye ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in dhakhtarka ay isku barteen mid kamid ah isbitaalada Muqdisho kuyaal oo ay shaqo wadaag ka ahaayeen, muddo hadda laga joogo sanado, halkaasna ay ku saaxiibeen wixii intaa ka danbeeyana ay wada dageen guri. ‘’Dhaqtarka waan isla daganeyn oo hal guri ayaan ku wada nooleyn, dad waxaan ahayn aad iskugu dhaw oo iska warqabo’’, ayuu yiri Yaxye.
Nageeye ayaa intaa hadalka ku daray in uusan waxba ka ogeyn qorshaha safarkiisa iyo waxa uu damacsansanaa, balse waxa uu sheegay in xilliyadaas uu dhaqtarku safar ku gaaray dalka Kenya oo uu ku maqnaa muddo asbuuc ah, inkasta oo dhaqtarku shaqo la,aan ahaa muddooyinkii danbe kahor inta uusan tahriibin ayuu sheegay in uusan aad uga warqabin xaaladihiisa gaarka ah.
Habeen Jimce soo galayay oo ay u qorsheysneyd in uu subixii baxo ayay kubad wada cayaareen dhaqaatiirtaan saaxiibada ah. ‘’Habiinkii jimcada waxa uu jiiftay qolka igu dhagan oo uu daganaa, subaxdii ayuuna iiyimid waxa uuna iisheegay in uu safar Itoobiya ah uu aadayo uuna muddo sadax cisho ah ku soo maqnaanayo, wax safar ah oo uu horay iigu sheegay oo u qorsheysnaa ma jirin waxaana ku iri maxaad horay iigu sheegi weysay wuxuu iigu jawaabay in uu xalay ku dhashay.’’
Yaxye oo ahaa qofkii ugu danbeeyay oo ay wada hadleen sidoo kalena wada daganaayeen dhaktarka ayaa sheegay in markii uu Itoobiya tagay uu la soo xiriiray, waxa ayna ahayd bishii labaad ee sanadkaan, markaasna ay ugu danbeysay xiriirkiisa,
Muddo bil ah kadib ayuu ka soo wacay dalka liibiya waxa uuna u sheegay in uu gacanta ugu jiro magafayaal, waxa uuna ka codsaday inuu dadka ogeysiiyo si xaalkiisa looga warqabo.
Kadib muuqaalkii laga soo duubay waxaa si weyn baraha bulshada uga bilowday olole loogu muujinayo garab istaag iyo in lagu baaqay lacago aruurin si looga soo badbaadiyo magafaha.
Sikastaba ha ahaatee dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar ayaa siyaabo kala duwan gacanta ugu galay magafe iyadoona qaarkood u xirnaa muddo sanado ah, dadka tahriibaya ayaa inta badan ka soo carara duruufo nololeed iyo shaqo la’aan iyo dhibaatooyin dalka ka jira iyaga oo raadinaya nolol u dhaanta midii ay ku jireen.