26th July 2024  admin  Category :

Lammaanayaasha Iran oo loogu baaqay inay ubad badan dhalaan

 Laba taliye sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iran ayaa ku baaqay in la kordhiyo tirada dadka Iran, waxayna ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara “gabowga dadka iyo taranka oo yaraada”.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah Sareeye Gaas Xuseen Salaami ayaa yiri “Haddii kororka dadweynuhu uu aad u kordhi waayo, bulshadu waxay noqonaysaa mid gaboobaysa, dadkii horena way baaba’yaan.”

Mr. Naqdi ayaa yiri, “Marka ay dadku da’ noqdaan waxaa lumi doona mid ka mid ah qaybaha awoodda,”.

Maamulka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa muddo dheer ka digayay “gabowga” bulshada Iran iyo aafooyinka ka dhalan kara waxayna maamullada qaar tixaglinayeen dhiirigelinta dhaqaale ee lamaanayaasha si loo dhiirigeliyo badnaanta dadweynaha.

Ayattullah Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, oo xilkan hayay in ka badan saddon sano, ayaa horay ugu tilmaamay siyaasaddii xakamaynta dadweynaha ee la hirgeliyay xilli hore inay ahaayeen “khalad”.

Inkasta oo ay jiraan tallaabooyin ay dawladdu isku dayday in ay u adeegsato horumarinta dhalmada, haddana aragtida aan fadhin iyo xaaladda dhaqaale ee Iran ayaa u muuqata mid ka mid ah sababaha ay muwaadiniinta Iran uga caga jiidayaan in ay dhalaan ubad ku salaysan qaabka ay dawladdu rabto.

    Hadda, dadka dalka Iran waxay ka badan yihiin 88 milyan oo qof

    Siyaasadda xakamaynta dadweynaha ee Iran oo lagu xayaysiin jiray hal-ku-dhegga ahaa laba carruur ah ayaa ku filan, carruur iyo yar, nolol wanaagsan, ayaa dib loo bilaabay ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii siddeedda sano ee Iran iyo Ciraaq, i iyadoo uu bilaabay madaxweynihii Iran Hashemi Rafsanjani xilligii uu talada hayay.

    Si ka duwan diidmadii hore, barnaamijkan lagu xakameynayo dadka ayaa waxaa aqbalay qaar ka mid ah culimadii dowladdii hore ee xilligaas, Alireza Marandi, oo ahaa wasiirkii caafimaadka ee dowladdii Akbar Hashemi Rafsanjani, ayaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO guddoonsiisay abaal-marin uu ku mutaysatay xilligaas guusha Iiran ay ka gaartay xakamaynta kororka dadweynaha. .

    Mr. Khamenei waxa uu yiri, khaladaadkii aanu galnay waxa ka mid ahaa xadaynta jiilka, madaxda dalka ayaa khalad ka galay arrintan, aniga qudhayduna waan la qaybsanayaa, Ilaahay SWT ha naga cafiyo”.

    Ilaa waagaas, ra’yiga dadwaynaha ayaa ahaa in xakamaynta dadweynaha ay tahay mid ka mid ah mabaadi’da siyaasadaha guud ee Iran, laakiin sanooyin ka hor hadalladii Mr. Khamene ayaa madaxweynihii ee Iran, Maxamuud Axmadinejad, wuxuu si joogta ah ugu celceliyay in Iran ay awood u leedahay inay yeelato dad gaaraya 150 milyan. Waxaana uu siyaasad khaladan ku tilmaamay hal-ku dhegga laba carruur ah aya aku filan “ oo uu sheegay in uu yahay wax ay ka dambeeyeen reer galbeedku”.

    Mr. Khamenei wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dad gaaraya 150 milyan oo qof oo Iraniyiin ah wuxuuna yiri, “Waxaan qaadnay ugu yaraan markii aan sheegnay 150 milyan, way ka badnaan doontaa.”

    Wixii markaas ka dambeeyay, dowladda Iiran waxa ay bedeshay siyaasaddeeda xakameynta dadweynaha, waxaana gebi ahaanba meesha ay ka saartay miisaaniyaddii lagu xakameyn lahaa dhalmada,

    Madaxweynihii hore ee Iran Ibraahiim Raiisi oo bishii May ee sanadkan ku dhintay shil diyaaradeed ayaa waxaa sidoo kale uu meesha ka saaray qaar ka mid ah baaritaannada la xiriira uurka, kuwaasi oo looga hortagayay ilmo iska soo rididda.

    Waxaa kale oo la soo saaray in tallaabooyin lagu ciqaabayo laga qaadi doono dadka ka horyimaada amarka dowladda ee ku saabsan ilmaha oo la iska soo rido iyo baaritaannada qaar.

    Waxaa la joojiyay qalabka ilmaha lagu baaro saddexda bilood ee hore ee uurka.

    Hadda, dadka dalka Iran waxay ka badan yihiin 88 milyan oo qof marka loo eego tirakoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay 2018-kii.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    *