26th April 2024  admin  Category :

Caasha Axmed Cabdale iyo beesha  Isaaq oo ku wada tartamaya Xildhibaankii Aqalka sare ee gobolka Sanaag

Dhowaan markii madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo  Wasiirada federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ay ku dhawaaqeen inay hadda wixii ka danbeeya ay Soomaali inteeda kale ay wax kula qaybsan doonaan  Waqooyi iyo Koonfur. Waxay taasi keentay in Soomaali inteeda kale oo dhami ay arintaas ka caroodaan oo ay meel uga soo wada jeestaan, si ay marnaba suurta gal u noqon xulafaysigan siyaasadeed,    iyaga oo ay ka mid ahayeen  dadka diidamadan ka hor keenay beesha   Daaroodka intooda  kale. Waana sababta ilaa hadda looga hadli la’yahay halka ay ku maqan yihiin  sadexddii Xildhibaan ee aqalka sare ee  ka maqnaa Gobolada Sool iyo Sanaag

Siyaasadda reer waqooyinamada ee lagu deg degay waxay keentay in Sool iyo Sanaag mar labaad cidl’a ku soo dhacaan iyo wax la’aan

Siyaasiyiintii beesha Isaaq ee danaystayaasha ahaa oo  ree woqooyinamddu ayna  ka dhabta ahayn markii horeba , hase ahaatee ku Awkacsanaayey siyaasiyiinta Dhulbahante iyo Warsangeli , ayaa markii ay arkeen in Siyaasiyaasiyiintii Soomaaliyeed oo dhami ay  dhabarka u jeediyeen Sool iyo Sanaag , bulshada caalamkuna ay difaacan wayday dhowr iyo labaatankii kursi ay warmurtiyeedka ka soo saareen  in doorashadooda dib loogu noqdo ayaa waxay sameeyeen arintan :

Jaamac Qaalib, oo ah gudoomiyaha Doorooshinka gobolada waqooyi , ayaa  maanta la kulmay madax Soomaaliyeed wuxuuna u sheegay in uu qaybiyey kuraastii Gobolada Waqooyi dhamaantood

Jaamac Yare ayaa madaxdan u sheegay in Gobolka Sanaag ay wada degaan beelaha Harti iyo Isaaq, sidaas awgeed ay wada tartamayaan labo nin oo ka soo wada  jeeda beelaha Habarjeclo iyo Habar yoonis iyo Caasha Axmed Cabdale oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli.

Codaynta sadexda Qof lagu kala reebayo ayaa waxa codaynaya 42 qof oo ka soo wada jeeda Beesha Isaaq.

Caasha Axmed  Cabdale, kursigan waxay ugu tartamaysaa iyada oo  Somaliland ah . Lamana garano karo in  Jaamac yare iyo Ismaaciil xaaji Nuur oo qaraabo iyo xidid dhow  ay yihiin oo horay magaceeda ugu soo daray musharaxiinta waqooyiga Soomaaliya, inay ka caawin doonaan in Caasho  ka guulaysato Musharaxiinta Habarjeclo iyo Habar Yoonis.

Ugu danbayntii madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wasiiradda federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ee looga baxay reer Waqooyinamddi,  ayaa bulshada ku nool Sool iyo Sanaag  ka sugaysaan  halka ay ku jiheeyaan kurasta Aqalka sare ee ka maqan Sool iyo Sanaag

wg3

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*